Tanaasulka Madaxweyne Siilaanyo Ma Lala Masayn Muddo Xilleedkii Mandela?

0
586

Picture3

“Madaxweyne Xilli keliyi Ma Magac Mise …”       Kamaal A. Ali  (2)

 

Waxaa xusid mudan in si loo xaqiijiyo xaqa shuruucda dunida oo dhami muwaadinka u siinayso in talada dalkiisa laga qayb geliyo, oo uu wax dooran karo lana dooran karo, ay muhiim tahay in hoggaamiye kastaa uu talada hayo waqti xaddidan oo marka uu dhammaysto ay fursadda madaxnimadu mar kale muwaadiniinta dhex u noqoto si ciddii uu damacaasi hayaa nasiibkeeda uga qaaddo. Taas oo maadaama oo la xisaabtanku xoogaysanayo dhiirrigelinaysa maamul-wanaagga, tayaynta dowladnimada, adkaynta kalsoonida lagu qabo hoggaanka iyo isu-dulqaadashada bulshada, isla markaana muwaadin kasta ku beeraysa shucuur ah in talada dalka uu wax ku leeyahay ama ku yeelan karo.

Xikmadda ku jirta doorashada u dhexeysa labada xilli:

Xikmadda muhiimka ah ee ku jirta in muddo xilleedka sharcigu u ogol yahay hoggaamiyaha, dhexda loo geliyo doorasho u qaybisa laba xilli-xileed, tusaale ahaan tobanka sano ee sharcigu u ogol yahay madaxweynaha sababta la isu raacin waayey ayaa ah, in hoggaamiyuhu marka uu kala badh waqtiga loo ogol yahay shaqeeyo, ay tahay waqti dadku qiyaasi karaan in uu hayo jidkii ay ku doorteen iyo in qorshayaashii ay ku doorteen ay noqdaan kuwo aan midho dhal ahayn oo inta aanu xaalku sii dhamcin ay tahay in laga qabto talada, sidaa awgeed mar labaad ayaa uu hoggaamiyuhu dadkiisa dib uga martiyayaa in ay kalsoonidooda siiyaan si uu ugu sii socdo hawsha uu ku jiro. Haddii dadku u arkaan in aanu hawshaa qaban karin ama aanay qabashadeedu suurtogal u ahaynna waa ay fasaxayaan si loo helo hoggaamiye aragti kale la yimaadda, ama ka midho dhaliya taa hore, marka ay sidaas tahay, doorashada dhexe waa fursad muwaadinka dib loogu soo celinayo ka go’aan gaadhista cidda talada hadda haysaa in ay sii waddo iyo in fursadda cid kale la siiyo.

Benjamin Franklin ayaa isaga oo ka hadlaya muhiimadda ay leedahay in masuulka xil qaran loo doorto loo xaddido waqti ay waajib ku noqonayso in uu mar labaad doorasho kale u soo galo isla kursiga uu hayey, taasina aanay nusqaan ku ahayn xurmadiisa, waxaa hadalladiisa ka mid ahaa, “Dowladaha xorta ah, hoggaamiyuhu waa u adeegaha dadweynaha, dadka ayaa ka sarreeya… sidaa awgeed haddii hoggaamiyuhu uu dib ugu soo noqdo dadkiisa, (Si uu kalsoonida uga cusboonaysiisto) macnaheedu ma’aha in uu hoos u dhacay, balse waa u sed korodhsiimo”

Xilli keliyi guul mise guul darro

Marka aynu ka duulno aragtida ah in hal xilli aanu hoggaamiyaha ugu filnayn gaadhista hiigsiga ay umaddiisu ka sugayso, waxaa imanaysa in uu raadiyo dhamaystirashada labada xilli ee sharciga dalkiisu u ogol yahay. Fool-xumo ayaa aanay noqon kartaa in ruux inta uu ummad tuso hiigsi iyo himilo oo ay darteed ku doortaan, isaga oo aan ka wada midho dhalin, ama wax kale u sii qaban kara waqtigii ay siiyeenna haysta weli in uu ka tago, waase haddii aanay jirin sabab kale oo u diidaysa sii wadista hawsha qaranka.

In hoggaamiyuhu uu ka tanaasulo muddadii sharciyeed ee la siiyeyna waxa ay u baahan tahay sababayn maangal ah, si dadkii doortay uu u qanciyo, isaguna sumcaddiisa iyo ta xisbigiisa u dhowro, haddii aanay taasi dhicinna waxaa laga yaabaa in cid kale sababta tanaasulkiisa ay malo-awaasho, waayo siyaasaddu waa “Hadlo, haddii kale waa laguu hadli” Malo-awaalkaasina run iyo been labadaba waa uu noqon karaa, waxa aana ka mid ah:

– In hoggaamiyuhu uu quus ka joogsaday in uu ka midho dhalin karo qorshayaashiisa siyaasadeed iyo himiladii humaagga ahayd ee uu marka hore dadkiisa u sawiray, kadibna tanaasulkani uu yahay hab uu kaga baxsanayo masuuliyadaha ka saaran in uu rumeeyo riyadaas uu ku beeray dadka ee abuuray xiisihii iyo xamaasaddii ay ku doorteen.

– Sababta labaad ee aynu arrintan ku xidhiidhin karno oo dabcan aan ka fogeyn taas hore ayaa ah in hoggaamiyuhu uu si fiican u akhristay shucuurta dadkiisa iyo qiimaha sumcaddiisu ay ka goynayso shaaraca, taasina ay keentay in uu kala doorto; Doorasho uu galo oo laga adkaado iyo in uu ka hadho damaciisa madaxtinimo oo uu tanaasulo si inta yar ee sumcaddiisa uga hadhay uu u badbaadsado, in badan ayaanay tan oo kale ka dhacday dunida.

– Waxaa soo raacaysa oo sabab noqon karta in hoggaamiyuhu uu garowsaday in itaalkiisa jidheed ama caafimaadkiisa awgii aanu awoodi karayn in uu talada hoggaaminta qaranka sii wado.

Labada Sababaynood ee dambe ayaana ah tan keliya ee aynu odhan karno waxa ay keeni kartaa in tanaasulku uu magac iyo ammaan u soo hooyo hoggaamiyaha.

Madaxda dunida ee hal xilli talada qabtay wada Mandela ma’ yihiin?!

Intii dowladnimada casriga ahi bilaabantay, waxaa taariikhda soo maray hoggaamiyeyaal tiro badan oo sifo xalaal ah kursiga ku yimid, kana tegey iyaga oo nool, oo aan dhammaysan muddadii rukhsadda ay u haysteen ku fadhiga kursiga hoggaaminta ama isu soo sharraxiddiisa. Dhammaantoodna kursiga ay ka tanaasuleen sii fadhigiisa ama doorashada labaad ee ay ka hadheen kuma ay kasban magac iyo sharaf, balse qaar badan oo ka mid ah ayaaba magac xumo ka qaaday, taariikhduna u taqaannaa in ay ahaayeen fulayo ka baxsaday masuuliyaddii ay marka hore iyagu dalbadeen in la saaro. Waxase iyana jirta in qaar ka mid ah hoggaamiyeyaashaas tanaasulay oo loogu cudur daaray sababo la xidhiidha xaaladdooda shakhsiga ah oo iyaga iyo dadka ay maamulayeen isla garteen in aanay talada sii hayn karin, waxa aanay u badan tahay xaalado caafimaad.

Kuwa kale ee iyagana aanay ceeb aad u weyni tanaasulkaas ka raacin ayaa ah kuwa inta ay qiimeeyeen duruufaha runta ah ee ku xeeran iyo dhibaatooyinka ay dadku u arkayaan in ay ku yimaaddeen guddoon jileecooda, kadibna tanaasulay. Tusaale ahaan in dadku ay hoggaamintooda iyo siyaasaddooda saluugsan yihiin, in qorshayaashii ay wateen ay khasaare keeneen ama dadku u arkeen in ay dhib sababeen iyo in wax-qabadkooda la qawaday. Waa hoggaamiyeyaal inta ay dareenka dadka akhristeen, si cad ugu sheegay, maadaama oo ay geeddiga gaadhsiin kari waayeen hiigsigii ama ay himiladii dadka rumayn kari waayeen ama ugu yaraan lala fahmi waayey in ay kursiga sii hayntiisa ama mar labaad isu soo sharraxaaddiisa ka tanaasuleen. Waa sharaf oo dadka caqliga lihi waxa ay markaas qaddarin karaan in qofkani ka garaabay in dhibta uu qayb ka yahay ama in aanu badhaadhihii uu ku heesayey keeni karin sidaa awgeed dareenka dadka aqbalay si aanu khilaaf uga dhex iman bulshada ama xisbigiisu u sii jiro ama xitaa qaranku u badbaado.

La soco…