Xildhibaan Nacnac Oo Kaalmo Gaadhsiiyay Mujaahid SNM Ka Tirsanaa

0
677

Picture2Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada ayaa deeq lacageed gaadhsiiyey Qoyska mid ka mid ah Mujaahidiintii dalka u soo halgamay, oo xaaladiia caafimaad aad u liidato, waxaanu Bulshada reer Somaliland ugu baaqay inay Mujaahidan ay soo cawiyaan.

Waxaanu xildhibaanku  xusay inuu u baahan yahay in wax lala qabto, in wax la taro iyo in loo gurmado madaama xaaladiisa caafimaad ay aad u liidato, oo xabado badani ku dhaceen.

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), oo isagu Guri u dhisay Mujaahidkan iyo qoyskiisa isla markaana booqday Guriga ayaa deeq lacageed gaadhsiyey, qoyskan, waxaanu isaga oo ka waramaya xaalada nololeed ee mujaahidkan ayaa yidhi "Ninkani waa Nin mujaahid ah, 12-xabood ayaa ka yaala, wuu jiifa, dhan ayaa qalalay, dadkaas ayuu ka tagay, wax ay ku nool yihiin ma jirto, marka intan waanu u dhisnay, labadaas boqolna waa caruurta furaashyadoodii, dadkan muxsinaanta ah waxa aanu doonaynaa inay sooo caawiyaan, dadkan ay ku baxayso weeyaan, waa nin mujaahid ah, waa raggii Wadanka u soo baabay, waxa aanu jecel ahay dadka muxsinaanta ah inay soo caawiyaan".

Dhinaca kale Xaaska Mujaahidan oo iyana halkaas ka hadashay, ayaa u mahadnaqday Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), waxayna sheegtay inuu ka warhayo mar walba oo uu xaaladooda la socdo, waxayna tidhi "Walaalayaashayda na caawiyey ee Guriga noo dhisay, ayaanu u mahadnaqayaa, akhiro iyo adduunkana waanu u ducaynaynaa, ILLAAHAYmeel roon ha mariyo,