Talooyin Muhiim U Ah Barbaarinta Ubadka (3)

0
1063

Hargeysa (Geeska)- Waa qaybtii labaad ee qormada aynu ku eegaynay talooyinka ay xeeldheereyaasha korniinka iyo cilminafsiga ubadku ka bixiyeen hababka ugu habboon ee ay tahay in waalidku u maro barbaarinta ilmaha.

– Inta badan waalidiintu waa ay ka siman yihiin qaladka ah in ay isku dayaan ka takhalusidda dhammaan caqabadaha la filan karo in ay ilmaha ka hor yimaaddaan. Kuwaas oo ay ka mid yihiin caqabadaha dhinaca xidhiidhka bulshada, iyo xitaa mararka qaarkood in waalidku uu ilmaha ka ilaaliyo in uu caqabad kala kulmo gudashada waajibaadkiisa dugsiga.

Nasiibdarro mustaqbalka waxaa caddaata in tallaabadaasi aanay xal u ahayn mushkiladaha ilmaha, balse ay tahay dhibaato kale oo lagu sii kordhiyey. Waxa ay ilmaha ku abuurtaa dareen ah in uu guuldarrayste yahay, oo aanu awoodi karin in uu dhibaatooyinka u gaarka ah iskii xal ugu raadsado, maadaama oo mar kasta oo ay dhibaato timaaddo uu waalidku gurmad u fidinayo. Waxa ay abuurtaa in ilmuhu is liido, isuna arko qof aan si madaxbannaan noloshiisa u wadan karin.

– Waxaa muhiim ah in waalidku uu ka feejignaado la macaamilka habka uu ilmuhu uga dareen celinayo arrimaha uu diidan yaha ye eka hor yimaadda. Waa in ilmaha uu fursad u siiyo in uu isagu abuurto waayo-aragnimadiisa gaarka ah ee arrintan la xidhiidha. Marar badan waa qasab in waalidku uu indhaha ka qarsado, marka uu arko ilmihiisa oo ku talax tegeya ka dareen celinta arrimo ka hor yimi, ama si anshax xumo ah arrin uga jawaab celinaya. Jidka keliya ee waalidka u furani waa in uu indhaha ka qarsado, kaddibna mar dambe oo aanu dareenkaasi jirin, ilmaha si deggen kelidii ugalaha doodo qaladka uu arkayey.

Khubaradu waxa ay sheegayaan in ilmaha oo dareema in waalidku uu maamulayo xitaa qaabka uu uga dareen celinayo arrimaha cadho geliyaa, ay ku abuurayso dabeecad ah in uu ilmuhu dareenkiisa runta ah qarsado, iyo in dareen celintiisa iyo jawaabta uu ka bixinayo arrimaha ka hor imanayo ka dhigo kuwo uu isagu kelidii maskaxdiisa ka keeno, waalidkiina ka qarsado, taasina waxa ay ku keenaysaa dhibaato dhinaca anshaxa ah iyo in xaaladdiisa nafsadeed aanay fiicnaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here