Hay’adda Caafimaadka Adduunka Oo Ka Digtay In Carruurta La Siiyo Cuntada Sonkortu Ku Badan Tahay

0
829

Washington (Geeska)- Hay’adda caafimaadka adduunka ayaa ka digtay in carruurta la siiyo cuntooyinka warshadaysan ee sonkortuna ku badan tahay. Waxa aanay ku baaqday in xeeldheereyaasha caafimaadku ay dib u cusboonaysiiyaan halbeegyada ay tahay in loogu qiyaas qaato wanaajinta nafaqaynta ubadka.

Laanta qaaradda Yurub ee hay’adda qaramada midoobey ee Caafimaadka adduunku waxa uu muddadii u dhexeysay Noofambar 2017 kii illaa Jeenaweri 2018 kii daraasad dheer ku sameeyey ku dhowaad 8 kun oo cunto oo yaallay meherado ku yaalla magaalooyinka Fiyeena ee Usteri, Soofiya ee Bulgaariya, Bodhaabost ee Hungeri, waxaana u soo baxday in kala badh cuntooyinkii meheradahan yaallay ee la baadhay boqolkiiba 30 kalooriyada ku jiraa ay yihiin kuwo Sonkor laga keenay. Halka saddex meelood meel cuntooyinkaas ay ku jirtay sonkor dheeraad ah iyo macmacaanno samays ah.

Hay’adda WHO waxa ay ka digtay in cunista badan ee sonkortu ay kor u qaaddo khatarta ah in miisaanka ilmuhu inta dabiiciga ah ka weynaado iyo in suus uu ilkaha ku dhasho. Waxa kale oo ay keentaa in cunista sonkortu ay ilmaha balwad ka noqoto, oo noloshiisa dambe oo dhan uu iska jari waayo, taasina ay keento in marka uu weynaado uu badsado cuntooyinka sonkortu ku badan tahay, oo la ogyahay in ay khataro badan oo caafimaad ku keenayaan.

Isuduwaha laanta qaarada yurub ee hay’adda WHO marwo Zsuzsanna Jakab ayaa warmurtiyeed ay arrintan ka soo saartay ku sheegay in ilmaha oo hela nafaqayn bedqabtaa ay muhiim u tahay korniinkiisa iyo xaaladdiisa caafimaad ee mustaqbalka.

Sannadkii 2018 kii ayaa ay hay’adda WHO ka digtay misaanka oo ku sii badanaya dadka reer Yurub, taas oo ay sheegtay in ay khatar ku tahay heerka celcelis ahaan laga filayo dhimashada.

Warbixinta WHO waxa ay sheegaysaa in sonkorta badan iyo sharaabbada warshadaysan oo sonkor badan lagu daraa ay sababi karto in ilmuhu uu ka joogsado cuntooyin kale oo uu ka heli lahaa faaiidooyin nafaqo oo muhiim ah.

Waxa kale oo ay daraasaddu dhaliishay in noocyo ka mid ah cuntooyinka carruurta oo ay hore uga digtay khatartooda in weli lagu iibinayo suuqyada Yurub, xayeysiisyo ganacsi oo badanna loo sameeyo. Arrintaas oo ay dawladaha midowga Yurub ugu baaqday in ay wax ka qabtaan.

Waxa kale oo ay hay’addu ka digtay in carruurta la siiyo cuntooyinka iyo cabbitaannada ay ku qoran yihiini n ay qaadan karaan carruurta lixda bilood ka yari, iyada oo sababtana ku sheegtay in ay carqalad ku noqonayaan naas jaqista ilmaha .

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here