Hargeysa (Geeska)- Inta badan waa ay kala duwan yihiin xidhiidhada uu waalidku la leeyahay carruurtiisa, waxa aanay marar badan ku xidhan tahay kala duwanaanshiyaha baahida carruurta. Laakiin waxaa jira habdhaqanno caan ah iyo xaalado laga siman yahay oo uu maro xidhiidhka ka dhexeeya waalidka iyo ubadkiisa. Gaar ahaan inta ay ubadku ku jiraan marxaladda koritaanka.
Qormadan waxa aynu ku eegaynaa dhowr nooc oo uu waalidku u qaybsan yahay, marka laga hadlayo habdhaqanka iyo nidaamak korinta ubadka.
– Xilliga carruurnimada carruurtu waxa ay aad u jecel yihiin madaxbannaanida, waxa aanay xeeldheereyaashu sheegayaan in ilmaha oo madaxbannaanida jeclaadaa ay calaamad u tahay in uu koritaankiisu si togan u socdo.
– Carruurtu marka ay xilliga kuraynimada / dhoorreyda gaadhaan waxa ay jeclaadaan in ay carruurta saaxiibbadood ah la qaataan waqti ka badan ka ay waalidka la qaadanayaan, iyo in fasaxyada toddobaadka ay ku soo qaataan meel ka baxsan guriga.
Arrintani waxa ay abuurtaa dhibaato ah in waalidku uu warar badan ka qaado ilmihiisa uu arkay in uu indhihiisa ka sii fogaanayo. Laakiin xeeldheereyaashu waxa ay sheegayaan in ilmaha oo xilligaas loo diido ciyaarta uu kelidii xiiseeyaa, ay ku sababto raad taban oo dhinaca nafsadda ah.
Waxa ay xeeldheereyaashu ka digeen in waalidku uu xilligan oo kale isku dayo in uu ogaado tafaasiisha gebi ahaanba nolosha ilmihiisa, waxa aanay sheegeen in taasi ay ilmaha geliso dareen ah in uu isu qaato in aanu naftiisa isagu ku tiirsanaan karin, haddii ay muddo sii socotana waxa ay keeni kartaaba in ilmaha ay ku dhacaan xaalado nafsi ah oo cabsi iyo isku kalsooni darro ka mid tahay.
Waxa habboon in waalidku uu ilmaha u ogolaado in uu marmarka qaarkood qaladaad galo, inkasta oo ay qasab tahay in qaladkaasi uu noqdo mid macquul ah. in ilmaha qaladaadka lagu sii daayaa waxa ay qayb muhiim ah ka qaadataa noloshiisa dambe oo ay ugu horreyso in uu barto is-ged-geddiga nolosha iyo duruufaha qarsoon hadba meel kaga soo baxaya.
Muhiim maaha in aad caqabad oo dhan ka ilaaliso
Inta badan waxa uu waalidku ku dadaalaa in uu ilmihiisa ka ilaaliyo wax kasta oo uu u arko in ay caqabad ku noqon karto, ama khatar ku keeni karto. Waxaa ka mid ah in waalidka qaarkood ay carruurta raacaan marka ay xidhiidho bulsho oo caadiya samaynayaan, ama ay waajibaadkooda dugsiga ka shaqaynayaan.
Xeeldheereyaasha caafimaadka nafsiga ah ee carruurtu waxa ay sheegayaan in ay qalad tahay saamayn tabanna ku yeelanayso nolosha ilmaha, haddii uu waalidku isku dayo in uu xal u helo caqabad iyo dhib kasta oo ilmaha ka hor iman karta. Waayo in ilmuhu uu dhib iyo caqabad ama dib u dhac iyo hagardaamo la kulmi waayo oo laga ilaaliyaa waxa ay sababaysaa in uu ku barbaaro aaminsanaan ah in qofka guulaystaa uu yahay ka aan caqabadba arkin, sidaa awgeed uu liqi kari waayo guuldarrada, ama guuldarrada horteed is dhiibo iyo in uu la noolaan kari waayo dhibaatooyinka gaarka ah ee soo waajahaya noloshiisa. La soco…