Trump Oo Sheegay In 2 Sano Oo Muddo Xileedkiisa Ka Mid Ah Laga Khasaariyey, Sidaa Awgeed Uu Rabo In 2 Sano Oo Magdhow Ah Muddo Kordhin Loo Sameeyo

0
773

Washington (Geeska)- Murashaxiinta xisbiga dimuqraaddiga ee dalka Maraykanka ayaa ololaha doorashada ee bilowday waxa ay xoogga saareen fikirka ah in ay dadka madowga ah ee addoontii ka soo jeeda la siin doono magdhow ay ku mutaysteen dhaawaca awoowyadood ka soo gaadhay addoonsigii iyo takoor illaa maanta lagu hayo. Laakiin madaxweyne Donald Trump ayaa isagu dooddii magdhowga si kale uga faa’iidaystay, waxa aanu ku dooday in isaga qudhiisu uu magdhow uga baahan yahay dawladda Maraykan. Laakiin magdhowga uu doonayaa ma’aha in lacag la siiyo, balse waa in laba sano oo dheeraad ah loogu daro xukunkiisa dastuurku afarta sano ku soo koobay.

Donald Trump ayaa boggiisa Twitter ka dib ugu faafiyey qoraal uu soo dhigay guddoomiyaha jaamacadda Libaterty ee dalka Maraykanka oo ka hadlayey magdhow la siiyo dadka madowga ah. laakiin trumo waxa uu dusha sare kaga qoray dooddiisa ah in isaga qudhiisa la siiyo magdhow ah in muddo kordhin laba sano ah loogu sameeyo madaxweynenimadiisa, labadaas sano oo uu sheegay in ay kaga lumen baadhitaannadii lagu samaynayey xidhiidhka Ruushka iyo Trump iyo wararkii sheegayey in Ruushku uu ka caawiyey guushiisa.

Trump waxa uu ku dooday in muddadii la doortay ee Afarta sano ahayd, kala badh ka mid ahi ku khasaaray baadhistaas iyo hadal haynteeda.

Inkasta oo laga yaabo in doodda Trump ay ahayd mid uu dadka ku dareensiinayo in sida aanay muddo kordhintaas uu doonayaa sharci u ahayn, in aanay sida oo kalana sharci ahayn in magdhow la siiyo tafiirtii addoonta. Haddana dad badan ayaa u arka in madaxweyne Trump uu si dhab ah uga fikirayo tab kasta oo uu muddo xileedkiisa afarta sano ah ku kordhisan karo. Iyaga oo sida aanu sharciga u ilaalinayna tusaale ugu soo qaatay hadalkii uu sheegay xilligii ol’olaha uu ku jiray ee ahaa ‘in aanu aqbali doonin haddii laga guulaysto doorashada’.

Madaxweyne Trump inkasta oo uu hore u sheegay in labadaas sano ay ahaayeen labadii sano ee guushii abid ugu weynayd uu madaxweyne ku gaadho dalka Maraykanka, haddana waxa uu qoraalkiisan ku sheegayaa in jaahwareerka iyo fikirka ay ku hayeen baadhitaannadaas xisbiga dimuqraaddigu riixayeen ee la xidhiidhay Ruushku ay sababeen in labadaas sano ay ka khasaaraan, sidaa awgeed ay tahay in loo magdhabo.

Arrintani waxa ay dareen gelisay dad badan oo markii ay warkan maqleen ku qasbanaaday inay si sidii hore ka dhegonugul u dhegeystaan doodaha ay dadka qaar horeba ugu celcelin jireen ee sheegaya haddii Trump lagaga guulaysto doorashada 2020 ee madaxtinimada Maraykanka, inay adkaan doonto in uu si nabadgelyo ah xilka u wareejiyo. Isaga oo aan muran iyo mad-madow gelin saxnimadeeda.

Madaxweyne Trump intii uu xilka hayey marar kala duwan ayaa uu jeediyey hadallo si toos ah ama dadban u taageersan in muddo xileedkiisa Afarta sano ah ka badan uu talada hayo, ama uu ku muujinayo in ay ku yar yihiin. Waxa aanay taasi muujinaysaa xiisaha uu u qabo in muddada 8-da sano ah ee uu dastuurku u fasaxayo uu ka badsado. Inkasta oo aanay suurtagal noqon karin. Madaxweyneyaashii isaga ka horreeyeyna aanay ku dhiirran soo hadalqaadkeeda.

Madaxweyne Barak Obama ayaa mar uu khudbad sagootinta aqalka cad ah jeedinayey bishii Jeenaweri ee 2017 kii, taageereyaashiisa uu la hadlayey oo aad u tiro badnaa ay iyaga oo ka qiiraysan in xilligu sidaa dhaqsaha ah uga dhammaado madaxweyne Obama oo weli da’ yar waxbadanna sii qaban karayey, waxa ay ku dhawaaqeen, “Afar sano oo kale” oo ay uga jeedeen in uu mar saddexaad is sharraxo, inkasta oo uu taas diidayo dastuurka Maraykanku. Obama ayaa markii ay dadkii si aad ah ugu dhawaaqeen arrintan waxa uu si kooban ugu jawaabay, “Taas ma samayn karo”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here