Madaxweynihii Hore Ee Soomaaliya Oo Farmaajo Ku Cambaareeyay Xayiraadii Markabka Xoolaha Ka Qaaday Berbera, Kulana Taliyay Inuu Qabkiisa Dib U Liqo

0
787

Hargeysa(Geeska)-Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dawladda Madaxweyne Farmaajo ee Soomaaliya ku canaanatay markabkii adhiga ka qaaday dekedda Berbera ee lagu xayiray Sucuudiga balse markii dambe la sii daayay.

Xasan Sheekh, ayaa qoraal uu soo dhigay barta uu ku leeyahay facebook, ayaa cid gaar ah oo aanu magacaabin wuxuu ugu baaqay inay qabkooda dib u liqaan, waxaanu qoraalkiisa ku yidhi Madaxweynihii hore ee Soomaaliya sidan “Waxaan ka xummahay ganacsatada iyo xoolo dhaqatada Somaliland ee culeysku kasoo wajahay markabka ay saaran yihiin 20ka kun ee neef ee ariga ee dekedda Jeddah loo diiday inuu ku dejiyo xoolaha.

Waa wax ay ka maran tahay mas’uuliyad ummaddeed in la siyaasadeeyo arrimaha horumarinta, ganacsiga iyo gargaarka oo dhammaan si toos ah u taabanayo nolosha muwaaddinka caadiga gaar ahaan arrinka markabkaan, waxay si toos ah u taabanayaa nolosha dadka reer guuraaga ah ee duruufaha ka yimid isbaddelka cimilada awalba la tacaalayay.

Dowladda Somalia waxaan ku boorinayaa in nolosha dadka Soomaaliyeed wax walba laga hormariyo, dadka qaarkiina ay qabkooda dib u liqaan.

Dowladda iyo dadka reer Somaliland waxaan leeyahay “SI JIRTABA SIIMA JIRTO” ee idinkuna isxakameeya.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here