Talooyin Muhiim Ah Oo Qofka Dhiigga Laga Shubo Ka Caawinaya In Aanay Ku Iman Xaalado Caafimaad Darro

0
604

ttttBerlin (Geeska)- Khabiir caafimaad oo u dhashay dalka Jarmalka ayaa ku taliyey in uu qofku cadaadiyo jidhka meesha irbadda lagu mudo marka qofka dhiig laga shubayo, si uu uga hortago in ay yeelato midabka buluugga ah ee aalaaba lagu arko xididka dhiigga halka irbaddu ka mudday iyo hareeraheeda iyo in qofku aanu maalintaas dhiigga laga shubay samayn hawl iyo shaqo uu gacanta ka qabanayo ama jimicsi culays gaar ah ku keenaya gacanta si aanu dhiig yari uga iman meesha irbadda lagu muday.

Xeeldheer Ebarhard Vic oo xubin ka ah haayadda Laanqayrta Cas ee dalka Jarmalka ayaa caddeeyey in cadaadiskaasi uu ka hortagayo in dhiig uu ka soo noqdo xididka la dalooliyey xitaa haddii uu dhibic yar oo qudha yahay, waayo dhiig yar oo ka yimaadda daloolka irbaddu samaysay waxa uu keeni karaa buro iyo barar dhibaatooyin kale oo caafimaad sababa.

Sidoo kale waxa ay khubarada caafimaadku ku talinayaan in qofka dhiigga shubay marka laga saaro irbadda uu qaato nasasho dhowr saacadood ah, si uu u ilaaliyo in wareegga dhiiggu uu hab-sami u shaqayntiisii soo ceshado, iyaga oo hoosta ka xariiqay in kor u kicista degdegga ahi ay qofka ku keenayso in uu dawakho. Dhinaca kalana waxa uu Vic sheegay in ay fiican tahay in qofka dhiigga shubayaa inta aan laga shubin uu cunto iyo cabbitaan ku filan soo qaato, taas oo ka caawinaysa in marka dambe aanu dawakhin (Wareerin). Ugu dambayntii khabiirkan Jarmalka ahi waxa uu dadka dhiigga shuba kula talinayaa in aanay jimicsi iyo ciyaaraha jimicsiga jidhka keena samayn isla maalinta uu dhiigga shubay.