Calaamadaha Ninku Ku Doorto Gabadha Uu Guursanayo, Jacaylku Meelaha Ugu Hooseeya Ayaa Uu Kaga Jiraa

0
637

Washington (Geeska)- Cilmibaadhis cusub oo tijaabadeeda lagu sameeyey 6 boqol oo qof ayaa daahfurtay in raggu ay jecel yihiin guurka dumarka aanay xiisaha jacayl ee xooggan u qabin, boqolkiiba 25 ka mid ahina ay jecel yihiinba guurka gabadh aanay ka dhaxayn haba yaraato ee wax shucuur jacayl ah ama xiise gaar ah, waxaa ka sii daran oo ay daraasaddu iftiimisay in raggu marka ay guur noqoto in jacaylku aanu ahayn muhiimadda koowaad ee ay gabadh u guursadaan.

Cilmibaadhayaasha oo sii dabaglaay sababta arrintan kentay ayaa xusay in ay ka mid tahay, raga oo caadi dabeecad ahaan jecel in gabadha ay guursanayaan ay noqoto rafiiqiisa nolosha iyo ruux aanay dantoodu noqon dhismaha qoyska iyo ubadka oo keliya ee noloshooda oo dhan ay shuraako ku ahaadaan dhinacyada nolosha oo dhan. Sidaa awgeed waxa ay si badheedh ah isaga indho tiraan jacaylka iyo ficillada Roomaansiga ah, liiska dhabta ah ee calaamadaha uu ninku gabadh ku dooranayana jacaylku meelaha ugu hoosaysa ayaa uu kaga jiraa.

Cilmibaadhistu waxa ay iftiimisay in ragga badankoodu ay aaminsan yihiin in isku-aragti noqoshada iyo fahamka iyo fikirka lammaanaha oo isu dhowaadama ama is waafaqaa uu yahay kan ugu muhiimsan uguna fiican ee keeni kara badhaadhe guur oo run ah, waxa aanay muhiimaddooda oo dhan isugu geeyaan in gabadhu ay noqoto rafiiqa nolosha.