Talooyin Ku Siinaya Habab Aad Ku Wanaajin Karto Noloshaada Sannadka Cusub Ee 2018 Ka (2)

36
3846

Washington (Geeska)- Qaybtii labaad ee talooyin ku aaddan hababka ugu habboon ee uu qofku noloshiisa ku wanaajin karo sannadka 2018 ka, waxa uu Geeska Afrika ka soo xigtay wargeyska New York Times ee ka soo baxa Maraykanka.

Noqo ruux awood badan

Da’ kasta oo aad tahay ama si kasta aad u taab-gaabatay oo aad is leedahay itaal badani kuguma jiro, haddana naftaada u sheeg runta ah in ay weli jimicsiga awoodi karto. Jimicsiga jidhku waa furaha furfurnaanta xubnaha iyo u itaalidda dhaqdhaqaaqa. Waxa ay ka hortag ama la tacaalid u tahay xanuunnada wadnaha, kelyaha, macaanka, dhiigkarka iyo miisaanka.

Jimicsigu ma’aha in uu mar kasta culus yahay, waxa xeeldheereyaashu ina baraan jimicsiyo jidh dhiseed oo qofku samayn karo isaga oo gurigiisa iskaga raaxaysanaya. Weliba 9 daqiiqo oo keliya ayaa ku filan in uu jimicsiyada qaarkood ku kaaftoomo. In aad jimicsato 9 daqiiqo oo keliya toddobaadkiiba saddex jeer ayaa wax badan kaaga filan.

Ku dadaal in dadka aad wada shaqaysaan aad noqotaan jaal wada guulaysta

Waa ay adagtahay in dadka aad wada shaqaynaysaan ay iskood u noqdaan koox wada shaqayneed oo is fahamsan islana jaanqaada. Haddii aad tahay qofka maamulaya kooxda ama talada ku leh, waxa aad ogaataa in waajibkaaga koowaad uu yahay in aad dhisto kooxdaada shaqada. Shaqo wadareedku waxa ay qofka ku abuurtaa ruux shaqo jacayl iyo niyadwanaag, waxa aanay kordhisaa wax-soo-saarka.

– Weligaa shaqadaadu ha lahaato khariirad cad.

– Qor shaqooyinka aad dadka kula shaqeeya wadaagtaan, kadibna ka shaqee sida ugu habboon ee isaga kaashan kartaan, adiga oo og waxa kaaga xidhan iyo wax qofka kale adiga kuu soo doonanayo.

– Caddee oo isla xaddida seeska iyo jidka shaqadiina aad u maraysaan.

– Dejista  mabaadii’ aasaasi ah iyo xeer wada shaqayneed oo aan la jebin karin.

Guri nadiifin

Nadaafadda guryaha oo laga yaabo in innagu Soomaali ahaan aynu la yaabno in qormadan laguba soo hadal qaado, waxa uu ka mid yahay arrimaha dunida muhiimadaha ugu waaweyn la siiyo. Waa hawl aan fududayn oo haddana lagama maarmaan ah, sidaa awgeed mar kasta laga fikiro.

Marka laga tago nadaafadda maalinlaha ah ee kijada iyo hurdada badankeedu la xidhiidha, waxaa iyaduna muhiim ah in qoysku uu yeesho maalin ol’ole nadaafadeed guriga la geliyo oo nadaafadda guud laga shaqeeyo, meel kasta oo guriga iyo hareerihiisa ka mid ahna gacanta la saaro.

Wax u dhigo waqtigaaga hawlgabka

Maadaama oo cimrigaagu kor u socdo, haddii wad ku daayana aanay da’i deynayn, oo berri ay imanayso in aad isu qaadi kari weydo shaqada, waxaa muhiim ah in aad maanta oo aad shaqayso adiga oo xoog ah, dakhliga ku soo gala qayb ahaan ka dhigato si aad berri marka aad talaxgabto u isticmaasho.

Ma jiro xeerar u gaar ah sida wax loo dhigto ama cilmi lagu bartaa, sidaa awgeed waa qof kasta iyo kartidiisa iyo itaalkiisa, ku dadaal in adiga oo dakhligaaga ku salaynaya aad yeelato akoon kayd ah oo wixii aad iska goyn karto oo joogto ah, isla markaana aan is dhimayn aad dhigato, berri waxa aad arki iyada oo is gaadhay oo wax badan kaa caawinaysa.

Haddii aanad hore waxba u dhigan jirin, ku dadaal in aad sannadkan la bilowdo, bil kasta mushaharkaaga ama dakhliga ku soo gala waxa aad ka jartaa boqolkiiba 15, aanad ka dabategin inta aad shaqo hayso, xitaa haddii ay kugu kallifayso in hawlo aad leedahay, aad u amaah tagto, lacag la’aan darteed.

Caafimaadka wadnahaaga

Dunida oo dhan labada cudur ee maanta loogu dhimasho badan yahay, waa wadne xanuun iyo dhiigfuran maskaxda ah. waa laba xanuun oo soo booddo ah, daweyntooduna ay adag tahay, laakiin warka fiicani waxa uu yahay in labadan cudurba boqolkiiba 80 laga hortegi karo.

Talada koowaad ee aad kaga hortegi kartaa waa in aad wax ka beddesho qaab nololeedkaaga, waxaa jira ficillo fudud oo haddana si weyn kaaga caawinaya in aad ka hortagto xanuunnadan. Waxaa ka mid ah:

– Jimicsiga joogto ka dhigo.

– Cunto caafimaadka u fiican cun, adiga oo kala tashanaya dhakhtarka iyo bahda caafimaadka.

– Ku dadaal in dhiiggaagu aanu kicin, xitaa haddii aad dhiigkar leedahay ku ilaali xadka saxda ah oo yaanu kicin.

– La dagaalan kalastaroolka iyo dufanka dhibaatada keena.

– Macaankaaga joogto u cabbir, kana dheeroow sonkorta iyo macmacaanka.

– Miisaanka saayidka ah iska rid, oo ka dagaalan in uu kordho.

– Haddii aad siigaarnuug tahay dhaqso iskaga daa.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here