“Hadduu Joogsan Waayo Cabdiwali Gaas, Waxba Nagama Xigto Inaanu Qabsano Garoowe”

46
5746

Eng. Faysal Cali Waraabe

 

Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Ucid Eng.Faysal Cali Waraabe ayaa madaxweynah Somaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ku tilmaamay mid iska jeedinaaya fadeexadii ka soo raacaday guryihii siyaasiyiinta ee uu weeraray.

Waxa uu Faysal Cali Waraabe ciidanka Somaliland ku hanbalyeeyeen inay difaaceen dalka, waxaanu madaxweynaha Puntland ugu hanjaby inay Garoowe qabsan doonaan haddii aan faro galinta Somaliland laga joojin.

Waxaana isaga oo arimahan ka hadlaayay Faysal Cali Waraabe oo dalka dibadiisa joogaa uu yidhi”Waxaan hanbalyaynayaa ciidamada Somaliland geesiyaasha sooma-jeestayaasha ah  iyo madaxweynaha cusub oo fuliyay in dhulkii inaga maqnaa aynu taako taako u soo ceshano, baryahana waxa jirtay xulafo is xulafaysatay oo reero isku xulafaysatay oo doonayay inay Somaliland mijo xaabiyaan oo dhul ay leedahay ay qaataan dadkaas oo uu madax u yahay Cabdiwali Gaas,wasiirka qorshaynta Somaliya ee Jamaal, Farmaajo iyo rag kale oo jooga Nayroobi.”

Eng.Fayal CalI Waraabe oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi”Farmaajo adyadii uu ku sameeyay raga uu ku weeraray guryahooda ee uu dadka ku laayay qaladkaas weyn ee uu sameeyay ayuu ku qarinayaa oo dareenkooda ayuu xaga Somaliland u soo jeedinayaa, haduu joogsan waayo Cabdiwali Gaas, waxba nagama xigto inaanu qabsano Garoowe.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here