Talooyin Kaa Caawinaya In Aad Subaxda Toosto Adiga Oo Firfircoon, Hurdada Aad Heshayna Aan Qawadayn (2)

0
574

Picture3Hargeysa (Geeska)- Qormadan oo ah tii 2aad uguna dambaysay waxa uu Geeska Afrika akhristayaashiisa kula wadaagayaa talooyin muhiim ah oo qofka ku dhaqma ka caawinaya in uu subaxda hore hurdada ka tooso isaga oo firfircoon oo hawlihiisa si dardar iyo tamar ah u gelaya. Haddaba qormadan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda Al-Jazeera afka hooyana u rogay waxa ay u dhignayd sidan:

Marka hurdada laga soo tooso:

– Haddii aad tahay dadka waqtiga ay doonayaan aan toosi karin haddii aanay waqtiga ay doonayaan ku buuxsan saacadda baraarujiyaha ah ee saacadda ama talefanka gacanta ku samaysan. Laakiin haddana waxaa dhacda in dadka qaar, gaar ahaan kuwa habeenkii hurdadu ku yar tahay, marka waqtigii ay rabeen in ay toosaan ay saacadda baraarujiyaha ahi ku qayliso in iyaga oo dhalalowsan ay dhaqso u bakhtiiyaan hurdadana iska sii wataan, waxaana halkaas ku baaqda hawshii ay u toosayeen iyo muhiimaddii baraarujiyuhu lahaa.

Haddaba waxaa fiican in qofka saacad baraarujiye ah ku toosayaa uu saacaddaas dhigo meel isasga ka durugsan oo aanu gacanta la soo gaadhay haddii uu doono isaga oo sariirtiisa jiifa in uu aamusiiyo. Marka ay saacaddu qofka ku qayliso, waxaa run ah in aanu u adkaysan karayn, sidaa awgeed waxa uu ku qasbanaanayaa in uu soo kaco oo aamusiiyo, sirtuna halkaas ayaa ay ku jirtaa, oo qofku marka uu soo kaco ee masaafaddaa soo socdo si uu u bakhtiiyo waxa ka baxaya shucuurtii hurdo jacaylka ahayd ee marka hore furaashka ku sii dhejinaysay. Waxa aanay u dhowdahay in uu sidaas iskaga soo kaco.

– Marka aad hurdada ka soo kacdo inta aanad wa kale qaban, koob biyo ah cab. Waxaa la aaminsan yahay in koobkaas biyaha ahi uu soo celinayo fuuq-baxa ay dareerayaasha kala duwan, dhididka iyo neefsigu qofka ku keenayaan inta uu hurdo.

– Subaxda hore marka aad toosto ku dadaal in aad sii maydhato inta aanad shaqada u bixin. Waxaa la xaqiijiyey in maydhashada subaxda hore ay qofka ku abuurto firfircooni dheeraad ah.

– Ku dadaal subaxda markaad toosto inaad isu dhigto qorraxda, si aad u hesho qaddar qorrax ah. Sida ay khubaradu sheegeen, marka qofku soo tooso subaxda hore ee uu qorraxda isu yara dhigo, waxaa dhacda in jidhka qofka ay gaadhsiiso farriinta ah in waqti maalinnimo ah la galay sidaa awgeed uu jidhku joojiyo soo deynta hormoonka Melatonin oo ah kan uu jidhku habeenkii ku garto in habeennimo la joogo.

– Cun quraac caafimaad qabta, quraac fudud oo caafimaad waxa ay jidhka siisaa tamar uu maalintaas oo dhan ku shaqayn karo. Dhammaad