Maleeshiyaadka Maamulka Puntland Oo Shalay Bilaabay Inay Hub Ku Soo Tuur-tuuraan Ciidanka Qaranka Somaliland Oo Iyaguna Jawaab Ka Bixiyay

0
482

somalilandHargeysa(Geeska)-Maleeshiyaadka maamul goboleedka Puntland ayaa isa soo dhoobay meel aan masaafo badan u jirin deegaanka Tukaraq oo ay ciidamada qaranka Somaliland degenyihiin, waxaanay Puntland abaabulaysaa weerar ay ku soo qaado ciidamada qaranka Somaliland.

Maleeshiyaadkan Puntland ayaa shalay gelinkii dambe bilaabay inay hub ku soo tuurtuuraan ciidamada qaranka Somaliland, waxaanay ciidanka qaranku kaga jawaabeen hub culus oo ay ku ganeen dhinaca maleeshiyaadka Puntland. Xaaladda ayaa markii dambe degtay, waxase taagan xaalad colaadeed oo mar kasta sababi karta dagaal ka dhex qarxa ciidanka qaranka iyo maleeshiyaadka Garowe.

Maleeshiyaadkan oo ah kuwo ururis ah ayaa muddooyinkii u dambeeyay lagu soo dhoobayay deegaanka Tukaraq ee gobalka Sool iyadoo loo soo dhammaystiray sahayda kala duwan sida biyaha, shidaalka iyo gaadiidka dagaalka noocyadiisa kala duwan, waxaana la sheegay in qorshahoodu yahay sidii ay u soo weerari lahaayeen ciidanka qaranka ee ku sugan gobalka Sool. Hase yeeshee ciidanka qaranka oo helay xogo sirdoon ayaa la sheegay inay iyaguna galeen heegan buuxa oo ay kaga diyaar garoobeen weerar kasta oo kaga yimaada maleeshiyaadkaas, waxaana la sheegay in taliyaha ciidanka qaranka Somaliland sareeye gaas Ismaaciil Shaqale uu toddobaadkan booqasho ku tagay xeryaha ciidanka qaranka ee gobalka Sool.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, oo la tacaalaya dhibaatooyin dhaqaale iyo siyaasadeed oo deegaanada Puntland kaga aloosan, ayaa wuxuu u muuqdaa inuu doonayo inuu indhaha reer Puntland ku jeediyo inuu Lascanod qabsanayo siddeed sannadood ka dib markii ay ciidanka qaranka Somaliland la wareegeen.