Taariikh Nololeedka Marxuum Suldaan Xiis Barre

0
732

Picture1Marxuun suldaan xiis bare Yuusuf oo geeriyooday malintii tarikhdu ahayd 12/06/2015, abaaro hal saac (1:00 PM) kuna geeriyooday Hargiesa, General hospital, halkan waxaan idinka soo gudbinayaa tariikhdisii oo kooban:

1951: Suldaanku waxa uu ku dhashay waqooyiga magaladda Hargiesa, halkaas oo uu ku soo barbaaray

Kuna soo bartay dhaqanka somaliyeed, murti  waxa uu leeyahay.

1969 Meyadii: Suldaan Xiis barre waxa uu soo galay magalada Hargiesa, ugana gubay dhinacaas iyo

          Magalada Mogdisho, oo uu ahaan nin ka shaqeeysta kana xoogsada magalada.

1970: Waxa uu ku biiray cidamadii darawishta ee xooga Somaliyeed.

1977:  Suldanku waxa uu ka mid ahaa cidamadii galay dagaaalkii Ethiopia lagula jiray, halkaas oo uu

            Dhawac culusi ka soo gaadhi  magalada Diridhaba kaas oo ila hada ay ku jirtay xabad feedhihiisa,

           Kuna noqday hawlgab .

1980:  maadkiina waxa uu u soo wareegay Dagmada Darasalaam gaar ahaaan Horohaadlay, halkaas oo

         Uu ku lahaa beer kana mid noqday odayaashii degankaas, waxa kale oo uu ka mid ahaa odayashii

        Asaasay  Degmada Darasalaam kana noqday Gudoomiye ku xigeen.

1988: Waxa uu ka mid ahaa hogamiyayaashii SNM ee jabhadii dib u xoraynta Jamhuriyadda Somaliland,

             Kana gaadhay darajadda Abaandule ciidan.

1991: waxa uu ka mid noqday oday dhaqameedkii, ka soo qayb qaatay nabadayntii, hubka dhigistii

          Beelaha, taas oo aynu maanta kaga duwanahay somalida kale kuna nalonayno wax qabadkoodii.

2003: waxa uu noqday Gudomiyihiin Belaha waqooyiga Hargiesa, Halkaas oo uu wax badan ka qabtay.

2005 ilaa 12/06/2015 : Suldaanku waxa loo caleemo saaray  Suldaankii Guud ee Beelaha Cismaan

                        Xuseen Abokor, xilkaas.  Uu hayay ilaa intii uu ka geriyoonayay

SHAKHSIYAADKA MARXUUNKA

Alle Ha u naxariisto ee Suldaan Xiis Bare waxa uu ahaa nin wayn, halyay ah(Geesi) ildheergarad ah, Aftahan ilahay ku manaystay, islamarkaasna ka shaqayn jaray midnimada iyo ururinta beelaha Somaliland meelkasta oo ay jogaan, muu aqoon u kala abtirin.

Sidoo kale Suldaanku waxa uu ahaa Shakhsi qalbi fiican, calool furan, isla markaana ku xeel dheraas soo xigashada murtida Somaliyeed ee uu ku soo barbaaray yarantisii Siiba mahmaahyadda afkeena somaliyeed.

TAFIIRTISII

Alle ha u naxariistee Suldaanku waxa uu ifka kaga tagay  waxa uu dhalay iyo wax uu sii dhalayba 47 Qof,