Maraykanka Ayaa Sheegay In Indhaha Dunidu Ay Ku Soo Jeedsan Doonaan Sida Ay Somaliland Iyo Soomaaliya Ula Dhaqmaan Dadkooda Iyo Hay’adaha Xuquuqda Ee Rayidka Ah

0
780

Hargeysa (Geeska)- Danjiraha Maraykanka u fadhiya Soomaaliya, oo wax laga weydiiyey dhaawaca ay muddo kordhinta iyo dib u dhaca doorashooyinku u geysan karaan sumcadda Somaliland ee dhinaca dimuqraadiyadda, ayaa sheegay in Maraykanku aaminsan yahay in xasiloonidu ay ku imanayso dawlad wanaagga iyo in la oofiyo wacadka ah dhowrista dimuqraadiyadda ee loo qaadayo hoggaamiyeyaasha bulshada, dhalinyarada, iyo guud ahaan bulshada.

Danjire Donald Yamamoto oo u warramay talefishanka CBA, ayaa sheegay in dhowaan Soomaaliya laga cafiyi doono deymo fara badan oo ay dawladihii hore ee Soomaalidu dunida ka deynsadeen, taas oo ay dabcan Somaliland ka mid ahayd. Waxa aanu tilmaamay in dhaafista deymahaasi ay horseedi doonto in Soomaaliya oo ay Somaliland ku jirtaa ay helaan deymo cusub iyo in maalgashi shisheeye oo badani yimaaddo. Laakiin waxa uu hoosta ka xariiqay in cidda deyn cusub siinaysa ama maalgashanaysaa ay marka hore eegayso dawladnimo wanaagga, iyo nidaamka dalka ka jira, isaga arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi, “.. waxaa imanaysa in hadda kaddib ay ku soo jeestaan indhaha dunidu. Taas macnaheeduna waa in Soomaaliya iyo Somaliland ba si gaar ah indhaha loogu hayn doono … Sida ay ula macaamilaan xuquuqda aadamaha, hay’adaha xuquuqda ee rayidka, ammaanka, sida ay dadkooda ula macaamilaan. Iyo sida oo kale, habka ay haweenka iyo carruurta ula shaqeeyaan”

Danjire Donald Yamamoto oo sheegay in uu muddo dheer ku soo dhex jiray xaaladda Soomaalida, intii aan safiirka loo magacaabinna uu marar badan hawlo shaqo ugu soo noqnoqday Somaliland iyo dawlad gobaleedka Soomaaliya ee Puntland, ayaa isaga oo arrimaha Somaliland ka sii hadlaya sheegay in dawlad-wanaagga loo baahan yahay uu yahay in bulshada loo abuuro hay’ado dawliya iyo fursado, taas oo uu sheegay in ay tahay arrin looga baahan yahay dawlad kasta iyo sida oo kale Soomaaliya.

Danjire Donald Yamamoto waxa uu sheegay in inkasta oo ay Somaliland gaarkeeda u istaagtay, haddana maadaama oo aanay weli aqoonsi diblumaasiyadeed helin, in beesha caalamku ay u aragto uun in ay ka mid tahay Soomaaliya, isaga oo taas ka duulayana uu Maraykanku u arko in Somaliland, dawladda federaalka Soomaaliya iyo dawlad-gobaleedyadeeda Soomaaliya ay dhammaantood sameeyaan is dhexgal. Sida uu hadalka u dhigay.

Danjiruhu, waxa uu intaas ku daray in isdhexgal dhaqaale oo ay sameeyaan dhinacyadani ay keenayso in ay horumar ballaadhan u horseeddo Somaliland iyo Soomaaliya.

Danjiraha Maraykanku waxa uu sheegay in dhowaan Soomaaliya laga dhaafi doono deyn aad u badan oo ay xukuumadihii hore ee Soomaaliya dawlado kala duwan oo adduunka ah ka soo amaahdeen, marka deyntaas la dhaafana in Somaliland iyo Soomaaliyaba ay u noqon doonto fursad ay ku noqdaan mishiinka horumarka ee gobalka, maadaama oo ay Soomaaliya heli karto deymo cusub iyo maalgashiyo caalamiya. Sida u hadalka u dhigay.

Danjiraha Maraykanka ee Soomaaliya oo ka warramayey horumarka Dhaqaalaha ayaa sheegay in Somaliland ay leedahay fursado haddii laga faa’iideeyo, keeni kara koboc dhaqaale oo Somaliland iyo gobalka oo dhanba anfaca, waxa aanu tusaale u soo qaatay Tamarta aan shidaalka laga dhalin (Tamarta qorraxda iyo hawada laga dhaliyo), oo uu sheegay in laga faa’iidaysan karo iyo sida oo kale horumarka ay Somaliland ka samaysay dhinaca dekedaha, garoonka diyaaradaha iyo kalluumaysiga.

Ugu dambayntii Danjire Donald Yamamoto waxa uu sheegay in Somaliland iyo Somaliya ay ku qasban yihiin in ay yeeshaan wada shaqayn dhinacyada oo dhan ah, si ay horusocod u noqdaan, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa aanu rajo wanaag ka muujiyey horumarka ay Somaliland iyo Soomaaliya gaadhi doonaan, haddii ay iskaashi dhaqaale yeeshaan, marka deynta laga dhaafo. “Runtii haddii aad eegto Somaliland iyo Soomaaliya horusocod ayaa ay samaynayaan. Waana ay caawinayaan in hore loo socdo, hore ayaa ay u socdaan. Waxa aanan filayaa in shanta sano ee soo socda aad arki doonto in ay aad uga duwanaadeen sida ay hadda yihiin”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here