Talo Caafimaad Oo Qofku Uu Kaga Taxaddari Karo Caabuqa Ku Dhaca Kaadi Mareenka

0
631

Berlin (Geeska)- Xeeldheerayaasha caafimaadku waxa ay in badan ku celceliyeen sida ay lagama maarmaan u tahay in uu qofku maalin kasta cabbo biyo aan ka yarayn Hal litir iyo badh ama laba litir, taas oo ay sheegeen in ay jidhka ka saarayso xanuun sideyaasha jeermisku uu ka mid yahay. Degelka internet ka ee Freundin Will Fit ayaa sheegay in cabbitaanka oo aad loo badsadaa ay tahay dawo qofka ka fogeynaysa caabuq kaga dhaca kaadin markeen. Sida ugu fiicanina waa in uu qofku maalintii cabbo hal litir iyo badh illaa laba litir oo isugu jira biyo, Shaah iyo dhir kale, iyo khudradda maalin kasta, taas oo suurto gelinaysa in jidhku uu iska saaro jeermiska iyo sababaha keena xanuunnada ku dhaca kaadihaysta.

Degelkani waxa uu hoosta ka xariiqay khatarta caafimaad ee ay leedahay in qofku marka uu dareemo in uu kaadi u baahan yahay ay waajib tahay in uu isla markaba suuliga tago, isaga oo weliba iska ilaalinaya inta ay kaadidu socoto in uu xoog ku soo riixo, isla markaana aan xoog hoos ugu cadaadinayn moxogga, waxa aanu ku taliyey in loo baahan yahay inu u qofku uu xilli qaboobaha xidho dhar dugsiga u soo jiida si kelyaha iyo haddii uu nin  yahay xiniinyaha, iyo guud ahaanba meelaha aadka ugu dhowi ay u helaan heer kul ku habboon, haddii kale waxaa ku imanaysa dhibaato caafimaad.