Dhan-Jafka Oo La Ogaaday In Uu Xidhiidh La Yeelan Karo Wadne Xanuunka

0
996

Berlin (Geeska)- Cilmi baadhayaal u dhashay dalka Jarmalka ayaa baadhiso caafimaad sameeyey ayaa tilmaamay sida ay suurtogal u tahay in Dhan-jafku uu sababo wadne xanuun. Iyaga oo taas sii faahfaahinayana waxa ay sheegeen in ay marar badan dhacdo in dalool yar oo wadnaha ku samaysmaa uu qofka ku keeno madax xanuun xad dhaaf ah. dhibta ay arrintani leedahayna waxaa ka mid ah in dhakhaatiirta uu bukaankani u tagayaa inta badan aanay ka baadhay xaalad wadnaha la xidhiidha maadaama oo uu madaxa ka cabanayana ay eegayaan meelaha kale ee looga malo badan yahay in uu sababtooda ku yimaaddo.

Cilmibaadhistani waxa ay sheegtay in dalka Jarmalka afartii qof ee kasta ee qaan gaadhka ah uu mid ka mid ahi leeyahay daloolkaa yar ee ku yimaada wadnaha. Tirokoobkaas ayaana sabab u ahaa in xeeldheerayaashan oo ka tirsan dhakhtarka wayn ee caasimadda Jarmalku ay baadhitaan ku sameeyaan, sababaha keena xaaladdaas wadne xanuunka ah iyo siyaabaha loola tacaali karo. Laakiin waxaa fajaciso ku noqotay markii si lama filaan ah ay cilmi baadhistoodani u soo saartay natiijo aanay marka hore maskaxda ku haynin oo ah in daloolkaa wadnaha ku yimaadda iyo dhanjafku ay leeyihiin xidhiidh. Inkasta oo aan si rasmi ah loo ogaan cilmi ahaan sida ay xidhiidh u yeelan karaan wadne xanuunka iyo madax xanuunku haddana waxa arrintan sii caddaatay markii ay dhakhaatiirtani awdeen (Xidheen) dalool wadnaha kaga yaalay bukaan badan oo ka cabanayey dhan-jaf waxaana u soo baxday in dadkaas badankoodu ay ka bogsadeen madax xanuunkaas.