London (Geeska)- Saynisyahanno Ingiriis ah ayaa ku guulaystay in ay soo ururiyaan tallaabooyin dhowr ah oo qofka ka caawinaya in uu yareeyo fursadaha uu ku heli karo cudurka dhiigkarku. Iyada oo sida la og yahay uu dhiigkarku fara baas ku hayo dunida, tirokoobyada u dambeeyeyna muujinayaan in saddexdii ruux ee kasta ee dunida ku nool uu mid ka mid ahi qabo cudurka dhiigkarka, kaas oo daqiiqad kasta laga filan karo in uu qofka ku keeno dhiigfuran maskaxda ah, wadne istaag ama xanuunnada maskaxda ku dhaca.
Dhakhaatiirtu waxa ay sheegeen in khatartaas ka dhalata cudurkan iyo fiditaankiisa sii kordhayaa ay qasab ka dhigayaan in ruux kasta oo ka caafimaad qabaa uu ka shaqeeyo in uu xidho sabab kasta oo cudurkani ku heli karo.
Saynisyahannadan Ingiriiska ahi waxa ay ku guulaysteen in ay helaan qaabka jidhku u nidaamiyo shaqada ah in maskaxdu ay dhiigga u qaybiso xubnaha kala duwan, taas oo cilmi ahaan noqonaysa tallaabo weyn ooh ore loogu qaaday dhinaca daweynta khalkhalka dhinaca wareegga dhiigga ah eek a dhashay dhiigkarka, sidoo kalana keeni karta in la sameeyo Kaabsool yar oo jaban oo awood u leh in uu nidaamiyo wareegga dhiigga. Kaabsoolkani waxa uu beddeli doonaa daweyntii hore dadka dhiigkarka qaba loogu siin jiray nidaaminta wareegga dhiigga.
Daraasaddan uu Geeska Afrika turjumay oo uu qoray wargeyska Daily Mirror ee ka soo baxa dalka Ingiriiska, ayaa ka soo xigtay Ajay Shaah oo ah agaasimaha kuliyadda Kings College ee dalka Ingiriiska, oo hoggaaminayey xeeldheerayaasha cilmibaadhistan sameeyey, “Cilmigan cusub ee la helay waxa uu sababi doonaa in uu isbeddel muhiim ah ku keeno qaabo ay dadku hore ugu arkayeen hawsha wareegga dhiigga”
Dhakhaatiirta Ingiriiska ayaa aaminsan in baadhistan cusubi ay horseedi doonto in la ikhtiraaco dawooyin dhiigkarka loo isticmaalo oo ka duwan kuwii hore dunida looga yaqaanno. Dhinaca kalana waxa ay cilmibaadhistani ku talisay tallaabooyin ay ogaatay in lagaga hortegi karo dhiigkarka oo loo yaqaano, ‘Dilaaga aamusan’
1. Milixda: Xitaa haddii aad ka badqabto dhiigkarka, iska ilaali in aad milix cuntada ku darsato. Dhakhaatiirtu waxa ay sheegeen in milixda oo isticmaalkeeda la xakameeyaa ay tahay tallaabada ug umuhiimsan uguna dhow ee lagu xakamayn karo dhiigkarka.
2. Cuntada: Dhakhaatiirtu waxa ay ku talinayaan in ay muhiim tahay in qofku marka uu iibsanayo cunto diyaarsan, cuntada lagu sameeyo meel aan guriga ahayn ama qasacadaysan ay muhiim tahay in uu akhriyo oo ogaado waxa ay ka kooban tahay iyo xaddiga kaga jira milixda.
3. La socoshada heerka wareegga dhiigga: Dhakhaatiirtu waxa ay sheegayaan in joogtaynta la socoshada dhaqaaqa iyo wareegga dhiiggu ay muhiim tahay, maadaama oo ay tahay habka ugu habboon ee dhaqso loogu ogaan karo kicitaanka ama hoos u dhaca dhiigga, waxa aanay qofka ka caawinaysaa in uu ka hortago dhiigkarka, haddii uu dhiigkar leeyahayna in uu ka hortago xaaladaha ka dhalan kara.
4. Cunista Khudradda: Cunista noocyada kala duwan ee khudaartu waxa ay nidaamisaa wareegga dhiigga, waxa aanay qofka ka fogeysaa in si lama filaan ah uu mar keliya dhiiggu kor u kaco ama hoos u dhac.
5. Miisaanka: Waxaa waa jib ah in qofku uu la socda hadba inta uu miisaankiisu marayo, kuna dadaalo in aanu dhaafin inta caafimaad ahaan la ogol yahay. Waxa uu cilmigu caddeeyey in miisaanka saayidka ahi uu si aad u adag xidhiidh ula leeyahay dhiigkarka.
6. Maandooriyaha: Waxa ay dhakhaatiirtu caddeeyeen in isticmaalka maandooriyuhu uu si weyn u kordhiyo fursadaha uu dhiigkarku ku iman karo, iyo in ay qofka ku dhacaan wadne xanuun, wadne istaag iyo dhimasho kedis ah.
7. Jimicsi: Ku dadaal dhaqdhaqaaqa jidhka iyo jimicsiga oo maalin kasta ah. Waxa uu cilmigu caddaynayaa in jimicsigu uu wadnaha iyo dhiigkarka ku ilaaliyo xaalad caafimaad oo fiican