Tallaalkii Loo Hanqaltaagayey Ee Coronavirus Oo Dadkii Lagu Tijibaayey Xanuuno Kale Ku Keenay

0
531

Shirkadda samaynta dawooyinka ee AstraZeneca PLC ayaa ku dhawaaqday in ay joojisay sii wadista tijaabadii tallaalka Coronavirus oo marxaladdii saddexaad ee u dambeeyey maraysay, kaddib markii xanun aan la filayn lagu arkay mid ka mid ah dadkii lagu tijaabiyey. Afhayeen u hadlay shirkaddan oo Ingiriis ah ayaa sheegay in sii wadista samaynta dawadani ay hakad ku jirayso inta laga ogaanayo sababta xanuunkan aan la filayn, iyo xidhiidhka uu dawada la leeyahay. Laakiin xaaladda caafimaad ee qofka xdanuunkan lagu arkay ayaa ah mid aanay noloshiisu khatar ku jirin.

Si kastaba ha ahaato ee shirkadda AstraZeneca PLC ayaa sheegtay in ah suurtagal noqon karto in xaaladda bukaankani aanay xidhiidh la lahayn tallaalka la siiyey, iyada oo intaas ku dartay in ay arrin iska caadiya tahay in tijaabooyinka waaweyn dawooyinka ay marar badan soo dhexgalaan xaalado caafimaad darro oo lagu arko dadka lagu tijaabinayo, kuwaas oo marar badan aan xidhiidh la yeelan dawada, laakiin mar kastaba ay qasab tahay in la hubiyo.

Dhawaaqan ayaa niyadjab iyo dib u dhac weyn ku ah rajadii laga qabay soo bixista tallaalkan oo dunida oo dhan looga hanqaltaagayey. Laakiin weli ma cadda illaa waqtiga uu dib u dhacani qaadan doono.

Dad tiradoodu ka badan tahay 50 kun oo qof ayaa ka qaybqaadanaya wejiga saddexaad ee tijaabooyinka lagu samaynayo tallaalkan uu dalka Ingiriisku samaynayo. Qorshaha tijaabada ayaa ah in tobannaan kun oo qof la siiyo tallaalkan kaddibna la hubiyo in uu ka ilaalin karo xanuunka COVID-19 ee ka dhasha Coronavirus ka.

Shirkadda AstraZeneca PLC ayaa sheegtay in ay awood u leedahay in marka la gaadho sannadka 2021 ka ay samayso laba bilyan oo xabbo oo tallaalkan ah. Dawladda Maraykanka ayaana durba sii dalbatay 300 oo milyan oo dawadan ka mid ah, halka Ingiriisku uu sii iibsadayba 100 milyan oo xabbo. Guddoomiyaha xilligan ee midowga Yurub, marwo Ursula von der Leyen ayaa iyaduna hore u sheegtay in Midowga Yurub uu shirkadda AstraZeneca PLC la galay heshiis dhigaya in laga iibiyo 400 oo milyan oo xabbo oo tallaalkan cusub ah. Hay’adda Caafimaadka adduunka ee WHO ayaa sheegtay in tallaalka shirkadda AstraZeneca PLC uu yahay kan ugu caansan uguna horumarsan dunida.

Bishii Juun ee sannadkan ayaa ay shirkadda AstraZeneca PLC sheegtay in tijaabooyin tallaalkan ah oo ay ku samaysay doofaarro ay ku ogaatay in hal marka laba jeer la isticmaalo uu yeelanayo waxtarka ugu habboon.