Madaxweynaha Maraykanka Oo Qirtay Inuu Qorsheeyey Dilka Madaxweyne Carbeed Laakiin Uu Wasiirkiisa Difaacu Ka Diiday

0
637

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa qirtay in uu qorsheeyey dilka madaxweynaha dalka Suuriya laakiin uu qorshahaas hor istaagay wasiirkiisii arrimaha dibadda. Waxa se uu intaas ku daray in aanu hadda ka qoomamoonayn dilis la’aanta Bashaar Al-Asad. Trump waxa uu sheegay in uu haystay fursad fiican oo uu ku fulin karayey qorshahaas dilka ah, isaga oo ka jawaabaya weerarkii kiimikada ahaa ee ay bishii Abriil 2017 kii ay ciidamada Suuriya ku qaadeen magaalada Khaan-Shaykhuun ee gobalka Idlib ee dalka Suuriya. Trump oo la hadlayey talefishanka Fox News waxa uu sheegay in wasiirkii difaaca ee xilligaas James Mattis uu kula taliyey in aanu fulin qorshahaas dilka.

“Anigu waxa aan doorbidayey dilkiisa, si fiican ayaan qorshaha dilkiisa u diyaariyey .. runtii waxa aan u arkaa in qof aan fiicnayn uu yahay, laakiin waxa aan haystay fursad aan ku dili karayey haddii aan doonayo. Mattis ayaa arrintaas ka soo horjeeday .. Mattis arrimahaas badankooda waa uu ka soo horjeedsan jiray” ayaa uu yidhi Trump isaga oo intaas ku sii daray ereyo u uku aflagaadaynayo wasiirkiisa hore oo ay ka mid tahay in uu ahaa Janaraal aad u liita iyo hoggaamiye xun iyo in uu ahaa nin inta uu mudan yahay in ka badan la buunbuuniyey xurmayntiisa.

Xilligaas Maraykanku waxa uu weerarro gantaallo ah ku qaaday fadhiisinno milateri oo Suuriya, isaga oo sheegay in Bashaar Al-Asad haddii uu sii wado weerarrada noocaas ahna uu weerarro intaas ka badan ku qaadi doono.

Madaxweyne Trump waxa uu hadalkan sheegay mar uu ka jawaabayey su’aal qoraal laga soo qaatay buugga ‘Fear: Trump in the White House’ ee uu qoray saxafiga caanka ah ee Bob Woodward. Qoraalkaaas ayaa sheegaya markii uu weerarka Kiimikada ah ee 100 qof dilay, 500 ee qofna ku dhaawacmeen ay qaadeen ciidamada Suuriya in  Madaxweyne Trump uu u yeedhay Mattis oo ahaa wasiirkiisa difaaca, kaddibna ku wargeliyey in uu doonayo in la dilo Bashaar Al-Asad. Mattis markaas waxa uu madaxweyne Trump u sheegay in uu arrintaas dabagal ku samaynayo, laakiin halkii laga sugayey in uu qorshaha dilka galo, waxa uu mid gacanyareyaashiisa ka mid ah u sheegay in looga baahan yahay in ay u dhaqmaan si caqli badan ku dhisan. Ugu dambayntiina waxa uu Mattis soo dejiyey qorshe ka duwan kii Trump doonayey oo ahaa in weerar circa ah lagu qaado goobo milateri, tas oo uu Trump aqbalay.

Waxaa xusid mudan in Trump uu mar 5-tii bishan Sabtembar ahayd uu beeniyey in xitaa uu ku fikiray dilka madaxweynaha Suuriya, hubka kiimikada ah ee uu adeegsaday awgii.