Taliyaha Socdaalka Oo Sheegay Inaanay Waxba Iska Bedelin Safaradii Ajaanibka Ee Somaliland

0
548

 

Picture3Hargeysa(Geeska)-Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland Maxamed Yuusuf Cali ayaa ka hadlay xaalada safarada Somaliland, isagoo sheegay inaanay wax isbedel ahi ku iman, ka dib dhawaaqii dawladda Ingiriiska ee digniinta amni xambaarsanaa.

 

Waxa kale oo uu ka hadlay Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland dad ay u xidh xidheen arrimo ammaan-darro.

Taliyaha oo shalay warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa, waxa uu fariin u diray bulshada caalamka iyo dadweynaha reer Somaliland, isagoo daboolka ka qaaday in ammaanka dalku uu sugan yahay. “Waxaan warbaahinta iyo dadweynahaba u sheegayaa in xaalada guud ee ammaanka dalku uu yahay mid sugan. Aniga oo ah Madaxa socdaalka Somaliland waxaan halkan idiinka cadeynayaa inaanu jirin wax isbedel ah oo ku yimi socotadii dalka imanaysay iyo kuwii ka baxayayayba, waxaan hadda hayaa shaqo culus oo ay ka mid yihiin fiisayaal la iga dalbanayo oo ay ka mid yihiin dad ka imanayaa Ingiriis, Maraykan iyo Yurub oo dhan. Sidaa darteed caalamka iyo dadkaba waxaan u sheegayaa inaan wax dhibaato ama amni-darro ahi aanu ku jirin.” ayuu yidhi Taliyuhu.

Taliyuhu waxa uu ka hadlay dad ay u qabqabteen arrimo ammaanka la xidhiidha, waxaanu yidhi. “Waxa kale oo jira waxyaabo saxaafadda lagu qoray oo sheegaya in dad ay ciidamada socdaalku xidheen, taasi waa mid iska caadi ah oo shaqadayada ayaa ah inaanu ka shaqayno ammaanka, sidaa darteed marka hore feejignaanta annaga ayaa leh. Inamo yar yar oo gaadh ah oo aanu ku qabanay qalab ayaanu xidhnay baadhitaankeediina way noo socotaa.”