Ururka CRRD Oo Xaflad U Qabtay Daahfurka Shabakad Dhalinyarada U Gaar Ah

1
756

 

Picture2Hargaysa( Geeska )-  Ururka magaciisu yahay CRRD ayaa xaflad balaadhan u qabtay shabakada TISQAAD, oo ay dhalinyaradu ku gurfayn doonto siyaasada iyo wax u qabashada dalka. Sida oo kale ururkani waxa uu dhalinayrada ku booriyay inay u midoobaan horumarinta dalka.

Waxa uu ururkan CRRD ( Charity For Rehabilitation Reseach And Development ) xafladan balaadhan ee uu u qabtay shabakada TISQAAD ay ku qabteen hoolka jaamacada Golis, waxaan ka soo qaybgalay tiro badan oo ka mid ah ardayda jaamacadaas dhigata.

Samsam Maxamed oo ka mid ah saraakiisha ururkan CRRD oo si kooban u sharxaysa ujeedada ay shabakadan u sameeyaan ayaa tidhi “ Waxa xafladan aanu u qabanay daahfurka shabakada TISQAAD, waxaanan ugu talo galnay inay ardayda iyo dhalinayrada Somalilandba ay ku xidhiidhaan, isla markaasna ay si xor ah oo aan wax lacag ah laga qaadayn ay ugu soo gubiyaan fikiradooda siyaasadeed.”

Maxamed Cabdilaahi Xasan oo ka mid ah hoggaanka ururkan CRRD ayaa isaguna madashaas ka soo jeediyay erayo dhalinayrada ku dhiirinaaya inay u jeestaan dhanka horumarka dalkooda, isla markaasna ay ka qab qaataan siyaasada dalka, oo ay ka mid noqdaan golayaasha qaranka, una ololeeyaan sidii loo dhimi lahaa da’da xildhibaanada golaha wakiilada laysugu soo taago.

Sida oo kale waxa isaguna dhalinayrada halkaas hadalo dhiiri galin ah uga soo jeediyay Cabdirashiid Caydiid oo ah la taliyaha dhalinayrada ee wasiirka ciyaaraha, waxaanu sheegay in xukuumadan ay tix galin badan iyo xililba ay siiso dhalinyarada, inkasta oo uu xusay in wali aan la gaadhin heer ay doorkooda wada qaataan dhalinyarada dalku.

Shabakadan lagu gurfayn doono arimaha dhalinayrada saamaynta ku leh ayaa lagu booqan karaa WWW.TISQAAD.COM.

Comments are closed.