Taliyaha Sirdoonka Maraykanka Oo Sheegay Labada Cabsiyood Ee Habeenkii Hurdada U Diida

44
3020

 

Washington (Geeska)- Taliyaha nabadsugidda qaranka ee dalka Maraykanka Daniel Coats ayaa sheegay in mid ka mid ah khataraah dalkiisu wadnaha farta kaga hayaa ay tahay suurtagalnimada in uu ku dhaco weerar loo adeegsanayo tiknoolajiyad oo khasaaraha iyo dhibta uu geysto la barbar dhigi karo weerarkii dalkaas ka dhashay Sabtembar 11 2001 dii.

Coats oo toddobaadkii hore hadal ka jeediyey jaamacadda Taxes ee dalka Maraykanka ayaa isaga oo sii faahfaahinaya weerarka uu ka cabsida qabo in Maraykan la’la eegto waxa uu tusaale u soo qaatay kooxaha budhcadda internet ka ee waayadan dambe ku soo badanaya dunida, kuwaas oo aakhirka awood u yeelan kara in ay u dhacaan habdhisyada kombiyuutar ee hubka casriga ah ee Maraykanku ku shaqeeyo, kaddibna isticmaalaan khasaare ba’anna ku geystaan. Isaga oo ka hadlaya in aanay intaas oo keliya ahayn dhibta ay kooxahani geysan karaan ayaa uu agaasime Coasts intaas ku sii daray, “Batam keliya oo la cadaadiyo, ayaa ay suurtagal tahay in uu sababo weerar ballaadhan oo la’la eegto gebi ahaanba habdhiskeena maliyadeed, habdhiskeenna tamarta, iyo kaabayaasheenna dhisme ee kale”

Agaasimaha nabadsugidda qaranka ee dalka Maraykanka Daniel Coasts oo hadalkiisa sii wataa waxa uu sheegay laba khatarood oo cabsidoodu habeenkii hurdada u diiddo, kuwaas oo kala ah:

– Weerar la is weydaarsado hubka nukliyeerka oo dhaca.

– Iyo weerarro dhinca internet ka (Cyberspace attacks) ah, oo geysta khasaare la mid ah kii weerarradii 11 Sabtembar.

Agaasime Dan Coasts waxa uu ku taliyey in Maraykanku aanu ku koobnaan uun diyaarinta tiknoolajiyadda difaaca, balse ay fiican tahay in uu u diyaarsanaado awood tiknoolajiyadeed oo uu isla markaba qaadi karo si uu u aargoosto.

Tan iyo intii ka dambaysay doorashadii madaxweyne Maraykanka ka dhacday 2016 waxaa dalka ku soo badanaya cabsida laga qabo in ay jiri karaan cadow dhinaca internet ka soo weerara dalka Maraykanka oo u geysta khasaare aad u ballaadhan. Sababta ugu weyn ee cabsidaas keentayna waa, arrinta uu Maraykanku aaminsan yahay ee ah, awoodda uu Ruushku ku dhexgalay nidaamka iyo kombiyuutarrada doorashada ee Maraykanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here