Sirta Cilmiga Ah Ee Ka Dambaysa Hurdo Yaraanta Ku Timaadda Qofku Mar Kasta Oo Ay Da’diisu Sii Weynaato

0
1611

Washington (Geeska)- cilmibaadhis cusub oo ay sameeyeen xeeldheereyaal ka tirsan jaamacadda Kent ee dalka Maraykanka ayaa daahfurtay in dareenka ilayska ee bu’da la qabsiga ee maskaxdu uu yaraado mar kasta oo ay da’da qofku sii korodho. Waana dabeecad ay ka siman yihiin dhammaan naasleydu.

Daraasadda oo natiijadeeda lagu faafiyey majaladda ‘Neurobiology of Aging’ ayaa lagu sheegtay in tijaabooyin kala diban oo la sameeyey ay iftiiminayaan in awoodda ay maskaxdu u leedahay qaabilidda xogta ilaysku ay yaraato mar kasta oo da’diisu ay sii weynaato, taasina ay sababto in aad hoos ugu dhacdo awooddii shaqada saacadda bayooloji ee maskaxda u kala sumadaynaysay waqtiyada iyo hawlaha la qabanayo. Hoos u dhaca ku imanaya la falgalkii maskaxda e eilaysku waxa ay aakhirka keentaa in bu’da la qabsiga oo ah maskaxda qaybteeda ka masuulka ah saacadda bayooloji ay awoodi kari weydo in ay ilaaliso habdhici iyo waqtiyeyntii hawlaha, taas oo ay ka dhalanayso in hurdada uu khalkhal ku yimaaddo.

Waxa ay saynisyahannada cilmibaadhistan sameeyey sheegeen in natiijadan ay heleen looga faa’iidaysan karo daweynta dadka waayeenka ah ee u baahan in dib uga shaqaysiin iyo nidaamin loogu sameeyo awoodda maskaxdoodu u leedahay isku jaangoynta waqtiga iyo hawlaha ay maskaxdu qabanayso, taas oo ah waxa uu cilmigu u yaqaanno ‘saacadda bayoolojiga’ ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here