Talefannada Gacanta Iyo Aaladaha Wax Laga Daalacdo Ee Casriga Ahi Waxay Khatar Ku Yihiin Caafimaadka Maqaarka

0
531

Picture7Hargeysa (Geeska)- Hore ayaa ay xeel-dheerayaasha caafimaadku uga digeen in talefannada gacanta iyo aaladaha wax-laga-daalacdo (Tablets) ee casriga ahi ay saamayn taban ku yeeshaan nolosha qoysnimada, isla markaana ay keenaan hurdo la’aan, qofka oo qaab caafimaad ahaan dhib keenaya u fadhiista marar badan iyo dhibaatooyin la mid ah. Laakiin maanta waxa uu Geeska Afrika akhristayaashiisa la wadaagayaa natiijo cusub oo iyaduna ka digaysa in aaladahan tiknoolajiyadeed ay qofka ku soo dedejiyaan gabowga.

Dhakhaatiir u dhashay dalka Ingiriiska oo ku xeeldheer cudurrada maqaarka ku dhaca ayaa shaaciyey in soo qalloocsamidda qoorta ee sida joogtada ah u dhacda marka uu qofku eegayo muraayadda talefannada iyo aaladaha wax laga daalacdo ee casriga ahi ay keento in uu maqaarku dabco oo uu hoos uga soo go’o hilibka, macasha oo iyaduna hoos u go’da, iyo coodh-coodh muuqda oo ay yeelato kalxantu, xaaladdan oo ay khubaradu ku magacaabo erey bixinta ah Qoorta tiknoolajiyadda ama afka qalaad ku noqonaysa (Tech Neck).

Dhakhaatiirtu waxa ay sheegeen in mushkiladda coodh-coodhka iyo macasha oo hoos u go’daa waa calaamadaha lagu yaqaannay qofka in lagu arko marka ay da’diisu gaadho nuska dambe ee cimrigiisa, laakiin sababta qaabka aynu u eegno talefannada gacanta iyo aaladaha wax-laga-daalacdo ee casriga ah waxaa dhacday in calaamadahaas lagu arko dhalinyaro aad u da’ yar. Sida ay khubaradu sheegeenna xaaladdan oo tobankii sano ee u dambeeyey sii badatay waxa ay si gaar ah ugu badan tahay dumarka.

Ugu dambayntii tijaabooyinka daraasaddan la xidhiidhay ee la sameeyey waxa ay daahfureen in da’da ay dhibtan aaladaha casriga ahi ugu sii badantahay ay tahay inta u dhaxaysa 18 illaa 39 sano jirka leh saddex aaladood oo casriga ah oo ay muraayaddooda isticmaalaan illaa 150 jeer maalintii.