Lix Tuug Oo Rakaab Ka Dhacay 3 Doolar Ayaa Dad Gadoodsani Ay Soo Qabteen Oo Ay Nolosha Ku Jarjareen

0
617

Delhi (Geeska)- Koox rakaab ahayd oo aad u cadhaysan iyo dadka deggen Tuulo ku taalla bariga Hindiya ayaa eryaday Lix nin oo ah tuug ahaa, kadibna inta ay soo qabteen ayaa ay si xun u garaaceen oo ay waslad waslad u jarjareen. Sida uu mar sii horreysay baahiyey wargeyska The Telegraph ee ka soo baxa carriga Ingiriiska oo uu Geeska Afrika soo xigtay,  booliiska dalka Hindiya ayaa xaqiijiyey in lixdan tuug oo ku hubaysnaa Baaskoolado ay fuuleen Tareen ku socda Tuulo la yidhaahdo Sildah oo ka tirsan gobolka Pengal oo ku yaalla koonfurta galbeed ee Hindiya.

Waxa uu warku intaa ku daray in tuugtani ay rakaabkii ugu hanjabeen hub kadibna ay baadheen dadkii rakaabka ahaa oo ay nasiib darradooda ka heleen lacag lagu qiyaasay 150 Ruby oo ah lacagta Hindiya una dhiganta waxa ka yar Saddex iyo Badh Doolar. Markii ay tuugtani lacagtan yar qaateen ayaa ay ka degeen baskii si ay u baxsadaan. Laakiin koox ka mid ah dadkii rakaabka ahaa oo aad uga cadhooday falkan foosha xun, ayaa markiiba inta ay ka soo dageen bask aka daba dhawaaqay si dadka tuulaha ku noolina u maqlaan oo ay ugu soo gurmadaan.

Dadkii tuulaha oo ku hubaysan budhadh iyo mindiyo ayaa kooxdan rakaabka ahaa u soo gurmaday lana baacsaday tuugtii. Iyada oo ay tirada dadkani gaadhayso illaa kun qof ayaanay tuugtan daba ordayeen qiyaas ah 2 Kiilomitir, aakhirkiina tuugtii markii ay arkeen dadkan tirada badan iyo in aanay ka baxsan karayn waxa aanay go’aansadeen in ay isku tuuraan haro weyn oo ay damacsanaayeen in ay dabbaal kaga gudbaan, nasiib darrose waxa ay afka uga galeen shabag kalluumaysi ku dhex xidhnaa harada oo Lixdiiba soo qabtay.

Sarkaal Booliis ah oo Wargeyska TELEGRAPH u warramayey ayaa yidhi, “markii ay dadkii soo gaadheen tuugtan ayaa ay waslad-waslad u jar-jareen, waxa ay ka soo daadiyeen Ilkaha sidoo kalana waxa ay ka soo rideen indhaha”