Cajaayibta Iyo Duqruusta Lagu Cibro Qaadanayo Ee Ku Duugan Makhluuqa Alla (6)

0
936

Hargeysa (Geeska)- Waa qormadii Lixaad ee taxane gaaban oo uu Geeska Afrika akhristayaashiisa afka Soomaaliga ugu soo beddelay qaybo ka mid ah buugga Cajaayibta Makhluuqa oo uu qoray Mansuur Bin Muxammed Ash-Shariidah.

Guumaysta: Guumaysta oo lagu tilmaamo in ay tahay shimbir aad u caajis badani waxa ay seexataa maalintii, waxa aanay socotaa habeenkii. Mucjisooyinka abuurka ah ee shimbirtan waxaa ka mid ah in ay awooddo in ay madaxeeda ay dhinac kasta u jeediso soona wareejiso iyada oo aan jidhkeeda intiisa kale leexin. Xeeldheerayaasha cilmiga shimbiraha daraaseeyaana waxa ay sheegaan in awooddaas abuurka ahi ay u fududayso in ay si degdeg ah u aragto cadowga ku soo maqan.

Arrinta kale ee ay dadka badankiisu la socdaan waa in shimbirkani uu awood u leeyahay in uu gudcurka habeenkii si fiican wax u arko, laakiin khubaradu waxa ay taas ku macneeyeen in guumaysta labadeeda indhoodh oo ballaadhani ay awoodaan in ay si fiican wax ugu arkaan ilayska aadka u yar ee jira, balse daciifnimadiisa darteed aan innaga inoo muuqanayn. Sidoo kale waxa ay leedahay dhego maqalkoodu aad u dheer yahay oo si dhaqso ah u dareema cod ama jabaq kasta oo aad u yar. Waxaa iyaduna cajiib ah in guumaysta oo leh baalal aad u xariir ahi aanay wax cod ama sanqadh ah samayn marka ay doonayso in ay qabato noole ay ugaadhsanayso, taasina ay u fududayso in aanu noolahaasi dareemin.

Kacbadu waxa ay dhacdaa badhtamaha dunida: Baadhitaanno marar kala duwan la sameeyey ayaa daahfuray in kacbadu ay ku taallo badhtamaha dhulka berriga ah ee dunida.

– Balanbaalista lugaha ayaa u ah dareemaha ay ku garato dhadhanka.

– Saableyda aadamaha ee neefsigu uu dhaqaajiyaa waxa ay sannadka keliya dhaqaaqdaa in ka badan 5 Milyan oo jeer.

– Doofaarku waa noolaha keliya ee aan awoodin in uu eego cirka.

– Tufaaxa waxaa ku jira maaddooyin qofka ka kaxeeya caajiska hurdada, subaxda horena qofka ka dhiga mid baraarugsan oo aan laga dareemayn lulo, waxaa yaab leh in maaddooyinkani ay ka saamayn badan yihiin maadadda caffeine eek u jirta bunka.

– Shimbirka Daa’uuska la yidhaahdaa sida dhirtu ay caleenta u daadiso xilliga deyrta ayaa uu isna u daadiyaa isla xilkaas, marka ay dhirtu magooshana baalal cusub ayaa u soo baxa.

– Yeygu marka uu seexanayo labadiisa indhood mar wada seexdaan. Marba il ayaa seexata oo tan kale ayaa soo jeedda si uu cadowgiisa isaga ilaaliyo, marka ishaa hore hurdada ka dheregto ayaa uu haddana isha kale is weydaariyaa. La soco…