Taleefanka Gacanta Oo Aad Ka Fogaataa Waxa Ay Keentaa Cimri Dherer Iyo Caafimaad Nafsadeed

0
1255

Washington (Geeska)- Cilmibaadhis caafimaad oo natiijadeedu dhowaan soo baxday ayaa lagu ogaaday in ka dheeraanshiyaha taleefanka casriga ah ee gacantu ay keento cimri dherer iyo caafimaadka qofka oo fiicnaada. Maadaama oo sida la ogaaday ay taleefannadani dadka aad u isticmaala ku keeni karaan xanuunno.

Cilmibaadhistan oo natiijadeeda lagu faafiyey wargeyska New York Times ee ka soo baxa dalka Maraykanku waxa ay daahfurtay in taleefannada gacanta ee casriga ahi ay sababaan hurdo xumo, isla markaana ay raad taban ku yeeshaan xidhiidhada uu qofku dadka kale la leeyahay. Waxa kale oo ay dhaawac ku keenaan xasuusta, feejignaanta, baraarugsanaanta maskaxeed, iyo hal abuurka qofka.

Dhibtu intaas oo keliya kuma koobna, balse waxa kale oo ay taleefannada casriga ahi sababaan arrin taas ka sii khatarsan, kana sii xun oo ah in uu kor u kaco dufanka (Kalastaroolka) dhiigga ku jira, taasina ay keeni kartaba khatarta ah in qofka ay ku timaaddo dhimasho ka dhalata dhiigga oo wadnaha ama maskaxda ka xidhma.

Warbixinta uu qoray wargeyska New York Times waxa ay sheegaysaa in daraasadaha hore looga sameeyey dhibaatooyinka caafimaad ee taleefanka gacantu ay badankoodu xoogga saari jireen raadkadka caafimaad darro ee uu ku leeyahay unugyada dareenwade ee lagu magacaabo Dopamine, oo ah unugyada ku jira maskaxda qofka ee raadka ku yeesha caadooyinka iyo balwadaha qofku la qabsanayo. Daraasadahaas badankooduna waa ay ogaadeen in taleefannada gacanta ee casriga ah iyo qaar ka mid ah barnamaijyada lagu shubtaa ay sababaan qabatin uu qofka taleefankuba u noqdo balwad aanu ka fogaan Karin. Laakiin daraasaddan aynu hadda ka warramaynaa waxa ay si gaar ah xoogga u sii saartay in ay ogaato cadaadiska maskaxeed iyo nafsadeed ee ay taleefannadani sababaan.

Cilmibaadhistan ka dayrisay dhibaatada caafimaad ee uu taleefanka casriga ahi keeno ayaa sida oo kale sheegtay in Kalastaroolka ku badanaya jidhka marka uu qofku la kulmo diiqad iyo cadaadis nafadeed uu keeno dhallangeddis hidde-side oo ay ka mid tahay dhiigga oo kaca, isbeddel ku yimaadda garaaca wadnaha iyo heerka sonkorta dhiigga. Xaaladahaas oo dhammaantood khatar toos ah ku ah nolosha qofka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here