Dhimashada Saaxiibka Aad Jeceshahay Waxay Keeni Kartaa Caafimaad Darro Maskaxeed Oo u Baahan Dhakhtar

0
1350

Hargeysa (Geeska )- Cilmibaadhis cusub ayaa daahfurtay in dhimashada saaxiibka la jecelyahay ama aad la isugu dhowyahay ay suurtagal tahay in ay keento dhibaatooyin caafimaad darro oo xitaa dhimasho gaadhi karta. Waxa kale oo isla cilmibaadhistan lagu ogaaday in dhibta caafimaad ee ka dhalata dhimashada saaxiibku ay gabadha ku badan tahay marka la barbardhigo ragga.

Cilmibaadhistan uu nooceedu ku cusub yahay dunida, ayaa cilmibaadhayaasha sameeyey oo ka tirsan jaamacadaha Stirling ee Scotland iyo jaamacadda Waddaniga ah ee Ustareeliya, waxa ay muddo 14 sano ah baadhis iyo dib u daraasayn ku samaynayeen xogta dad xaaladahan oo kale soo maray oo tiradoodu ka badan tahay 26 kun, waxa aanay gaadheen natiijadan oo uu dhowaan faafiyey wargeyska TIMES ee ka soo baxa dalka Ingiriiska.

Cilmibaadhayaashu waxa ay ogaadeen in dhimashada saaxiibka dhowi ay qofka nafsad ahaan iyo jidh ahaanba ku yeelato raad taban oo saamayntiisu muddo afar sano ah sii jirto. Waqtigaas dheer ee uu qofku xaaladdan ku jirayaana ay keento xanuuno jidheed iyo kuwo nafsadeed labadaba.

Liza Forbat oo ah cilmibaadhe iyo kaaliye bare-sare oo ka tirsan kulliyadda cilmiga bulshada ee jaamacadda Stirling ayaa sheegtay in cilmibaadhiso hore oo badani ay caddeeyeen in murugada qofka ku dhacda marka qof ay isku dhowyihiin ama qoyskiisa ka mid ahi dhinto, gaar ahaan marka uu sayga ama xaasku geeriyooto uu keeno khataro caafimaad darro. Laakiin daraasaddani waxa ay dadkaas ku soo dartay raadka ay dhimashada qofku ku keento saaxiibkiisa ay isku dhow yihiin.

Liza Forbat oo arrintan sii faahfaahinaysa ayaa tidhi, “Dhammaanteen waa aynu garanaynaa culayska xanuunka iyo murugada ay dhimashada aabaha, hooyada, ubadka, xaaska ama saygu leedahay, laakiin hore cidi uma ay daraasayn raadka ay dhimashada qofku ku leedahay saaxiibbadii, taas oo imika uun la ogaaday in ay tahay raad taban oo dhab ah, aadna u weyn”

Cilmibaadhayaasha arrintan daraaseeyey waxa ay ogaadeen in dhimashada saaxiibaddu ay gabadha ku keento hoos u dhac weyn oo ku yimaadda firfircoonideeda, marar badanna ay dhibteedu gaadhaba in ay hoos u dhac weyn ku keento caafimaadkeeda dhinaca maskaxda.

Dr. Forbas waxa ay xaqiijisay in cilmibaadhayaashu ay daraasaddoodan ku soo gunaanadeen talo uu nuxurkeedu yahay in ay waajib tahay in qofka uu saaxiib ay aad isugu dhowaayeen dhinto loo sameeyo daryeel caafimaad oo nafsiya, dhakhaatiirta takhasuska ku ah caafimaadka nafsiga ahina ay ka caawiyaan ka soo kabashada dhibaatadan. Waxa kale oo ay ku taliyeen in lagala shaqeeyo xoojinta xidhiidhka bulsho ee uu leeyahay iyo adkaynta saaxiibtinimada uu dadka qaar la leeyahay si loogu caawiyo in uu illaawo xanuunka geerida qaadday saaxiibka uu jeclaa.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here