Tahriibayaal Somali Ah Oo Ku Dhintay Badda Yemen

0
515

Lixdan qof oo isugu jira Soomaali iyo Itoobiyaan tahriib ah, ayaa todobaadkii lasoo dhaafay ku dhintay badda Yemen, kadib markii ay quustay doonidii ay saarnaayeen, sida ay sheegtay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR.

Waxaa sidoo kale shilkaasi ku dhintay laba nin oo doonida watay. Shilkan ayay UNHCR ku tilmaamtay kii ugu xumaa ee sanadkan ka dhaca baddaasi. Tahriibayaashaasi ayaa la aaminsan yahay in ay u socdeen dalalka Bariga Dhexe ama Yurub. UNHCR ayaa sheegtay in meydadka 62-da qof lagu aasay meel u dhow xeebaha Bab Al-Mandeb ee dalka Yemen.

Hay’adda ayaa intaa ku dartay in sanadkan oo keliyah ay badda Yemen ku dhinteen 121 tahriibayayaal ah. Intii u dhexeysay bilihii Janaayo iyo Abril, tahriibayaal tiradooda lagu qiyaasay 42,000 ayaa ka gudbay badda Mediterranean, waxaana 25,650 dadkaasi ka mid ah ay ka tahriibeen xeebaha Liibiya.