Jaamacadda Admas oo bilowday Olole lagu badbaadinayo Deegaanka

0
667

Hargeysa(Geeska)- Jaamacadda ayaa bilowday Olole ay kaga qayb-qaadanayso Ilaalinta Deegaanka , taasoo adduunka oo dhan laga xusay Khamiistii shalay.

Munaasibad balaadhan oo Jaamacaddu kaga qayb-qaadanayso xuska 5 June ee Maalinta Deegaanka Adduunka ayaa shalay gelinkii hore lagu qabtay xarunta ay ku leedahay Magaalada hargeysa, taasoo ay ka qayb-galeen Maamulka , Macalimiinta iyo Ardayda Jaamacaddu. Xafladan ayaa waxa laga soo jeediyey farrimo Bulshada lagaga wacyi gelinayo waxyeelada deegaanka lagu hayo, sida jarista iyo gubista Dhirta oo ah khatarta ugu badan ee lagu xaalufiyo deegaanka Kaymoolayda ah ee xoolo daaqeenka ku wanaagsan.

Waxa xafladaas ka hadlay xubno isugu jira Maamulka Jaamacadda , Macalimiin iyo Ardayda, kuwaasoo iska daba maray dhamaantood in bulshada la gaadhsiiyo wacyi-gelin ku saabsan mawduucan.

“waxaaynu nahay dadkii aqoonyahanka  ahaa ee dalka u soo baxayay hadii alle alle yidhaahdo, maadaama aynu nahay dadkii aqoonyahanka ahaa waxaynu nahay dadkii metelayey bulshada inteeda kale, maadaama aynu dadkaa nahay waa inaynu fariintan ilaalinta deegaanka gaadhsiinaa dadka kale.

Qofkuna wuxuu ka bilaabayaa Gurigiisa, Jaarkiisa ayuu ku xigsiinayaa ilaa intii kale ee uu gaadhsiin karo, markaa innagu hadii aynu soomaali nahay door badan ayaynu ka qaadanaa dhibaatooyinka deegaanka oo waynu jarnaa dhirta”sidaas waxa Xaflada kaga dhawaaqay Sacad Muuse oo ah ku hadlayay Afka Ardayda.

Guddoomiye ku-xigeenka Jaamacadda Admas Axmed Naasir,  isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in loo baahanyahay wacyi gelin sal-balaadhan oo dadweynaha lagu baraarujinayo inay guryahooda iyo goobaha kale ee ku haboon ku beeraan dhir, si buu yudhi loo yareeyo xaalufka jira hada.  Madaxweynaha Jaamacadda Admas Ixsaan Cumar Ismaaciil oo xafladaa khudbad ka jeediyay ayaa shaaca ka qaaday in maalinba maalinta ka dambeysa dabar-goynta Dhirtu sii kordhayso, sidaas darteed loo baahanyahay in loo istaago sidii loo badbaadin lahaa deegaanka. Waxaanu yidhi“Maalinba maalinta ka dambeysa waxaynu arkaynaa Dhul la xaalufiyey oo laga jaray Geedihii , taasi waxay dhaawac ku keenaysaa deegaanka, meelaha qaarkood dhirtii waa laga dhameeyey oo kama helaysid.

Waxa loo baahanyahay inaynu wacyi gelin samayno si loo yareeyo xaalufinta deegaanka, waxaana la soo jeediyey in qofku gurigiisa ka bilaabo wacyi-gelinta, ku xigsiiyo Jaarka, waayo waxa diinteenu ina faraysaa in sadaqada Jaarku ay khayr  badantahay”ayuu yidhi.

Madaxweynaha ayaa intaas ku daray isagoo hadalkiisa sii wata “Aynu u istaagno sidii ay u ilaalin lahayn deegaankeena, aynu ka bilowno deegaanka Jaamacaddeena, dabadeedna jaarkeena ku xigsiino, wixii intaa ka dambeeyana guryaheena. Dariiqani wuxuu xoojinayaa fariinteena wacyi gelinta ilaalinta deegaanka, waxaanan soo jeedinayaa inaynu dhir ku beerno gudaha Jaamacada oo aynu ilaalino dhirtaa”ayuu yidhi.

Tashoome tadhasa oo ka mid ah Macalimiinta Jaamacadda ayaa soo dhaweeyay Ololaha Jaamacadda Admas ka bilaabayso xarunteeda ee lagu daryeelayo deegaanka, waxaanu sheegay inay taasi suurto gelin karto bii’o muuqaal bilicsan iyo qurux leh oo indhaha bulshada u wanaagsan.

Waxaanu intaasi ku daray in Ilaalinta deegaanku ka mid tahay nolosha, isla markaana la balaadhiyo fariinta Bulshada lagu gaadhsiinayo ilaalinta Deegaanka.

Maalinta Deegaanka adduunka oo ku beegan 5 June, taasoo Munaasibada kala duwan lagu qabtay Gobollada iyo Degmooyinka Somaliland.