Taariikhda AadKa U Fog Ee Uu Leeyahay Fargalka Ay Lammaanuhu Isu Xidhaan Marka Ay Is Guursadaan Iyo Sababta Farta Faadumada Oo Keliya Loogu Xidho

28
3030

Hargeysa (Geeska)- Dadyowga kala duwan ee dunidan maanta ku dhaqan waxaa caado u ah in xafladaha guurka badankooda ay ninka iyo gabadhu isu xidhaan fargal. Waa run in isdhexgalka bulshooyinka iyo isufuranka dhaqannada dunidu uu saamayn weyn arrintan ku leeyahay, in kasta oo ay is weydiintu tahay sababta keentay in dadkaas oo qaar badan oo ka mid ahi aad u kala fog yihiin isir ahaan, dhaqan ahaan, diin ahaan iyo xitaa qaabka arooska iyo xafladda arooska, in haddana ay ka midaysnaadaan farta lagu xidhayo fargalka oo ah farta ‘Faadumo’ ee ku xigta faryarada, una dhexeysa iyada iyo far dhexada, gaanta bidixda. Qormadan waxa ay shabakadda Alcarabiya ku eegaysaa taariikho la sheegay in uu fargalkaasi ku isir leeyahay iyo waxa laga yidhi sababta fartan loogu xidho.Roomaaniyiintii hore:Waxa ay taariikhaha qaar sheegayaan in Fargalkani uu leeyahay taariikh fog oo ku aroortaa 3000 oo sano ka hor dhalashadii Sayidkeennii “Nebi Ciise” (C.S), kaas oo ah waqtigii Roomaaniyiintii hore. Waxa ay taariikhdani sheegaysaa in uu fargalka guurku yahay dhaqan iyo diin xilligaas ku isir leh oo looga jeeday tafaaful wanaagsan iyo niyadsamaan labada qof loogu rajaynayey in midowgoodu waaro.FaraaciinadiiSida lagu sheegay war uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda wararka ee Alcarabiya, waxaa iyaduna jirta taariikh kale oo isla waqtiyadaas Nebi Ciise (CS) ka horreeyey ah, oo tilmaamaysa in fargalka guurku uu ahaa dhaqan ay lahaayeen Faraaciinadii hore ee Masaaridu. Ujeedka loo xidhanayaana la mid ahayd isla taas aynu qoladaa hore ee Roomaaniyiinta ku sheegnay ee ah in labada ruux loogu rajaynayo qoys waara.Giriiggii horeWaxa se labadaas ba ka sii xiise badan taariikh kale oo sheegaysa in dhaqankani uu ka soo jeedo Giriiggii hore. Waa ay taariikhyahannadu sheegeen in Giriiggii hore ay aaminsanaayeen in farta faadumada la yidhaahdaa ay si toos ah ugu xidhan tahay wadnaha, oo macnuhu yahay in xididka ugu muhiimsan ee wadnaha tagaa uu fartanna maro. Waxa ay sheegi jireen in jacaylka ciriqiisu uu fartaas maro toosna u tago qalbiga oo ah halka jacaylka saldhigga u ah, sidaa awgeed ay fartani qalbiga toos ugu xidhan tahay.In lammaanaha is guursanayaa ay fargalka fartan isugu xidhaanna waa calaamad ay ragga iyo dumarka kale ku garanayaan in ruuxan qalbigiisa uu ruux kale qabsaday ama degey. Sidaa awgeed aanay meeli uga bannaanayn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here