10 Meelood Oo Dunida Ka Mid Ah Oo Ay Manuuc Tahay In La Galo, Iyo Sababaha Dadka Loogu Diiday (2)

54
4327

Hargeysa (Geeska)- Liiska toban meelood oo adduunka ka mid ah oo bani’aadamku in ay tagaan ama galaan laga mamnuucay iyo sababta loo diiday gelitaankooda:4. Jornobayl (Chornobyl) – YukraynJornobayl waa magaalo ku taalla deegaanka aadamaha laga mamnuucay ee Jornobayl oo ku yaalla woqooyiga bari ee magaalada Kiyeef ee caasimadda dalka Yukrayn. Muddo 65 sano ahayd waxa ay ahayd magaalo madaxda gobalka ay ku taallo, laakiin sannadkii 1988 kii ayaa magaalada laga qaxiyey dadkii nolol ugu hadhay oo tiradoodu ay dhamayd 14 kun, sannadkii horena (2017) tirada dadka magaalada ku nooli waxa ay ahaayeen 690 ruux.Bishii Afaraad ee sannadkii 1986 kii, waxaa magaaladan ka dhacay shilkii Nukliyeer ee taariikhda dunida ugu khatarta badnaa kaddib markii ay qaraxday warshad Nukliyeer ah oo uu ku lahaa midowga Soofiyati oo markaas dalka Yukrayn ka tirsanaa.Waxa ay saynisyahannadu aaminsan yihiin in dad tiradoodu u dhexeyso 9 boqol oo kun illaa hal milyan oo ruux oo ah dadkii marka hore deggenaa magaaladu ay u dhinteen cudurka kansarka uu sababay shucaacii nukliyeerkaasi, baadhis lagu sameeyey muddada ay deegaanka magaaladan kaga bixi karto suntan Nukliyeerku si dib loogu dego, waxa ay ku qiyaaseen in illaa 20 kun oo sano kaddib uun ay suntaasi ka baxayso.Magaalada waxaa mamnuuc ah in la booqdo, marka laga reebo dad tiro yar oo ay dawladdu hawlo shaqo ugu dirto iyaga oo taxaddarkoodana sita. Waxa se xiise badan in tiro yar oo ka mid ah dadkii tuulahan deggenaa oo ah intii ka hadhay dadkii dhintay ama la daadgureeyey, ay diideen in ay ka baxaan magaaladan xudduntooda iyo tii awoowyadood taallo, waxa aanay ka door bideen in ay iska dhex joogaan. Si dadka loogu sheego in sababta ay dadkan 690 ka qof ahi u joogaan magaaladan khatarta ahi aanay sababteedu ahayn gaabis dhinaca dawladda ka yimi, ayaa ay dawladdu guryaha dadkani ku noolyihiin ku qortay halkudheg macnihiisu yahay, “Dadkii guriga lahaa ayaa ku nool”5. Jasiiradda Woqooyiga SentinelWaa jasiirad ku taalla Hindiya oo la deggen yahay, laakiin aanay cidi u geli karin, xog fiicanna aan laga haynin illaa maanta oo dunidu cilmga casriga ah meel sare ka gaadhay. Dadka jasiiraddan deggen oo tiradooda loo malaynayo inta u dhexeysa 40 illaa 400 oo ruux waxaa lagu tilmaamaa in ay ka mid yihiin kuwa dunida ugu dib dhacsan, noloshooduna si buuxda u tahay tii baadiyaha ee taariikhda casriga ah ka hor jiri jirtay.Dhammaan dadka deggeni waa qabiilka Sentinelese, oo taariikhyahannadu aaminsan yihiin in ay jireen muddo ka badan 60 kun oo sano. Waxa ay dhaqan adag u leeyihiin in aanay cid kale dhexgelin isla markaana iska ilaaliyaan in ay cid shisheeye ka ahi soo dhexgasho, waxa ay sida oo kale ka dagaalameen in xadaarado kale iyo nolosha casriga ahi ay soo dhexgasho dhaqankooda 60 kun ee sano ay soo kala dhaxlayeen isaga oo ilaashan. Qabiilkani dharka ma xidho, waxa ay ku noolyihiin cuntada badda oo keliya, sababta ay dadka shisheeyaha ah isaga ilaaliyaanna waxa ay taariikhyahannada qaarkood ku sheegaan in ay tahay cuqdad ay ka qabaan colaado hore taariikhdooda u soo maray.Dhibaatada ugu badan ee ka dhalatay dhaqankan xidhxidhan ee qabiilka Sentinelese ayaa ah in ay marar badan ku dhacaan cudurrada faafa ee aanu jidhkoodu iska difaacidda dabiiciga ah u lahayn, maadaama oo aanay daweynta casriga ah iyo dawooyinka qaadanayna, badankoodu ay u dhintaan. Waxa kale oo noloshooda khatar ku ah dadka soogalaytiga ah ee inta ay jasiiraddan yimaaddan isku deyi jiray in ay xoog ku galaan, maadaama oo dadka qabiilkani aanay haysan qalabka casriga ah ee lagu dagaalamo, dadka soo weerarayaana ay hubaysan yihiin khasaaraha ugu badani iyaga ayaa uu gaadhayey. Khasaaraha ugu badani waxa uu soo gaadhay horraantii 1980-maadkii iyo 1990-maadkii oo kooxo aad u hubaysan oo budhcad ahi ay jasiiraddan u tegi jireen in ay ka soo gurtaan macdanta xadiidka iyo in ay soo gurtaan alaabooyinka ka caarya doonyaha iyo maraakiibta badaha ku qarqooma, iyada oo la og yahay in si ka duwan xeebaha kale, dadka jasiiraddani aanay waxba ku falayn wixii alaabooyinkaas ah ee soo caarya, sidaasna ay ku hungurayn jireen budhcaddu. Sababo ay labadan aynu xusnay ka mid yihiin oo tobannaankaas kun ee sano soo baraystay qabiilkan ayaa loo malaynayaa in ay ka mid yihiin sababha tiradooda aadka u soo koobtay.Dawladda Hindiya oo ka hortegeysa arrimahaasina waxa ay mamnuucday in cidi ay gasho jasiiraddan, sidaa awgeed waxa ay ka mid tahay meelaha gelitaankoodu mamnuuc ka yahay aadamaha. La soco…

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here