Taabashada Waalidku Waxa Ay Caawisaa Koritaanka Dareenka iyo Garaadka Ubadka Dhashay

0
862

Washington (Geeska)- Cilmibaadhis cusub ayaa daahfurtay in taabashada iyo salaaxa ay waalidka ama dadka ubadka koriyaa ku sameeyaan ilmiha dhashay ay caawiso in maskaxdu ku tababarto dareenka taabashada oo ah dareen muhiim u ah xidhiidhka kala duwan ee aadamaha.

Cilmibaadhiso hore ayaa iyaguna sheegay in taabashadu ay ilmaha dhashay u leedahay faa’idooyin ay ka mid yihiin korniinka ilmaha oo fiicnaada, hurdo xasiloon oo uu helo iyo xarakaadkiisa oo horumar fiican sameeya. Waxa kale oo ay cilmibaadhisahani isku xidheen nuujinta naaska ee dabiiciga ah iyo taabashada waalidku in ay ilmaha ka yareeyaan xanuunka irbadda xilliyada la mudayo.

Cilmibaadhistan cusubina waxa ay xeeldheerayaashu ku ogaadeen in 125 ah carruur ku dhalatay sidkooda oo aan buuxsamin ay taabashada waalidku ka caawisay in uu dareenkooda taabasho noqdo mid si dabiiciga ah u xoogaysta.

Natalie Mitter oo ka tirsan cisbitaalka Nationwide oo ku yaalla Columbus, Ohio ee dalka Maraykanka isla markaana ahayd gadhwadeenka daraasaddan ayaa mar ay ka faalloonaysay natiijada ay gaadheen waxa ay sheegtay in koritaanka carruurta dhowaan-dhaladka ah, gaar ahaan inta ay ku jiraan bilaha yar ee u horreeya, in ay taabashada iyo codka waalidkuba saamayn ku leeyihiin, maadaama oo hab-dhiska araggoodu aanu weli si dhammaystiran u bislayn, taabashadu waxa ay ilmaha u tahay hab uu ku baran karo waxyaabaha ku xeeran, iyo xeelad goor horeba baraysa qaabka uu labadiisa waalid ula xidhiidhayo.

Xeeldheerayaasha daraasaddan sameeyey waxa ay tijaabo ahaan si fudud u afuufeen ilmaha jidhkiisa, si ay u qiyaasaan illaa heerka uu dareenkiisu yahay, taas oo ay u soo baxday in uu si fiican u dareemayo, mar haddii u udareenkaas leeyahayna ay suurtogal tahay in uu sidoo kalana barto kala soocidda taabashada kala duwan, sida in uu si fiican u kala barto taabashada jidhka hooyadii, walaxda adag iyo xitaa in uu taabasho ku kala garto wejiga aabihii iyo wejiga walaalihii.

Cilmibaadhistan uu Geeska Afrika turjumay oo natiijadeeda lagu faafiyey Joornaalka Current Biology 16kii Bishan Maarij ee aynu ku jirno ayaa sidoo kale lagu sheegay ian ubadka waalidka ama cidda koritaankooda ka masuulka ah ka hela taabashadan dareenka kalgacal xambaarsan uu dareenkooda taabasho u koro si ka awood badan sida uu u koro ubadka aan taas helin. Ugu dambayntiina waxa ay cilmibaadhayaashu sheegeen in taabashadu ay sidoo kale saamayn togan ku yeelato koritaanka looga baahan yahay xirfadaha garasho, faham, xidhiidh iyo hab-dhaqan ee ilmaha, gaar ahaan ubadka sidkoodu sagaal bilood ka yar yahay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here