Bishii Afaraad Ee 1865 Kii Wax Ay Maraykan Ugu Suntantahay Bishii Ugu Masiibada Badnayd Taariikhda

0
1130

Washington (Geeska)- Toddobaaddo yar kaddib markii uu dhammaaday dagaalkii sokeeye ee Maraykanka gudihiisa oo la aaminsan yahay in ay ku dhinteen dad tiradoodu ka badan tahay 6 boqol oo kun oo qof, ayaa waxaa Maraykanka ka dhacay masiibadii ugu xumayd ee illaa soo martay taariikhda dalkaas. Waxaa qarqoomay Markab ay ku dhinteen kumannaan ruux oo Maraykan ahi.

Bishii Abriil ee 1865 kii, waxaa taariikhda dalkaas loogu diiwaangleiyey in uu ahaa sannad ay dhacdooyin is xigxiga oo dhaqso ahi ka dhaceen dalkaas; waxaa ka mid ahaa is dhiibistii Janaraal Robert E. Lee oo hoggaaminayey ciidamadii goballadii nidaamka Konfaderaalka lahaa ee Maraykanka. Maalintii ay bishaasi sagaal ahayd, ayaa uu Janaraalku isu dhiibay ciidamadii midowga. Lix maalmood kaddib oo ahayd badhtamihii isla bishaas Abriil 1865 kii, waxaa la khaarajiyey madaxweynihii Maraykanka Abraham Lincoln oo lagu dhex dilay masraxa Ford, toban maalmood kaddib, waxaa degey markabkaas oo Sudlaana lagu magacaabi jiray.

Suldaana waxa uu ahaa Markab ka samaysan loox, oo shaqo bilaabay sannadkii 1863 kii. Markabkani waxa uu ka dhex shaqayn jiray magaalooyinka New Orleans iyo Sant Louis Orleans oo uu badeecadaha u kala rari jiray.

13 kii Abriil 1865 kii, ayuu markabka Suldaana sidii caadada u ahayd isaga oo rar cudbi ah sida shiraacday, laakiin laba maalmood kaddib waxaa dhacay dilkii madaxweyne Lincoln. Kabtankii markabkan waday oo markaas dilku dhacay badda ku sii jiray, ayaa markii uu warka maqlay waxa uu qaatay go’aan degdeg ah oo lagu tilmaamay go’aan xun. Kabtan J. Cas Mason waxa uu markabkii u duway koonfurta dalka Maraykanka oo uu doonay in uu dhaqso u gaadhsiiyo warka dilka madaxweynaha.

Markii markabkii uu gaadhay degaanka Vicksburg oo ka tirsan gobalka Mississippi ayaa mid ka mid ah masuuliyintii Koonfurtu waxa uu kabtankii markabka u soo bandhigay lacag aad u badan oo uu ku siinayo qaadista 1500 oo ahaa maxaabiis ay ka qabsadeen ciidamadii midowga ee dhinaca woqooyi. Masuulkani waxa uu kabtanka kula heshiiyey in mid kasta oo maxaabiistaa ka mid ah uu ku siinayo lacag dhan 5 illaa 10 doolar.

Markabkii sida maxaabiistii sida oo kalana lagu qasbay in uu qaado rar iyo dad tiradoodu 2 kun ka badan tahay ayaa mar kale u dhaqaaqay dhinaca woqooyi ee Maraykanka oo markaas isu haystay woqooyi iyo koonfur goballada Konfederaalka iyo goballada midoobey.

Waxa ay dhibaatada ugu weynayd ka taagnayd markabka oo qaadkiisu ahaa 376 ayaa waxaa saarnaa dad ka badan 2 kun iyo rar badeecado ah.

Markii markabku uu badweyn marayey ayaa ay qaraxday mid ka mid ah dhuumihii qiiqa ee markabku, taas oo sida la sheego ku timi dayacaada ninka markabka oo cillad ku ogaa dhuuntan laakiin aan dayactirin.

Labadii habeennimo ee bisha Abriil ay 27 ahayd sannadkii 1865 kii, ayaa ay mar keliya wada qarxeen afartii dhuumood ee markabku. Dadkii rakaabku waa ay ka badbaadi kari waayeen dabka xad dhaafka ah ee ka kacay markabkan, waxa kale oo xaaladda sii xumeeyey cidhiidhiga dadka iyo badeecadaha ee markabka dushiisa.

Dad badan oo badda isku tuuray waxaa nolol lagu gaadhay 2 boqol, oo dhammaantood cisbitaallada ku dhaawac dhintay, intii kalana markabka dushiisa ayaa ay dabkii ku gubatay.

Gubashada markabka Suldaana waxaa ay taariikhda Maraykanku u aqoonsantay in ay tahay masiibadii ugu xumayd ee dalkaas ka dhacda.

Dad badan oo Maraykanka waayeelka ah ayaa illaa maanta bisha Abriil ee sannadkaas 1865 kii u aqoonsan in ay tahay tii ugu ayaanka darnayd ee taariikhda dalkooda soo marta.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here