Suurtagal Ma Tahay In Maskaxdeenu Ay Daweyso Xanuunnadeenna Nafsiga Ah

0
140

Waxaa jira hab dabiib ay xeeldheereyaasha cilminafsigu ku daweeyaan xaaladaha nafsiga ah, oo ah wada sheekaysi toos ah oo dhex mara dhakhtarka iyo bukaanka, iyada oo ay ujeedadu tahay in dhibaatada jirta lagu xalliyo in la beddelo hab fikirka iyo hab dhaqanka qofka buka.

Habkan oo cilmigu uu afka Ingiriisiga ku magacaabo, ‘Cognitive Behavioural Therapy (CBT)’ waxa uu ka duulaa fahamka ah in uu xidhiidh ka dhexeeyo afkaarta, dareenka iyo habdhaqanku iyo in afkaarta iyo dareennada tabani ay ay qofka magan u dhigayaan dhibaatooyin taxan oo isku wada xidhan. Habkani waxa uu isku dayayaa in bukaanka laga caawiyo sidii uu dhibaatada ula macaamili lahaa hab togan iyada oo uu qaybo yaryar u qaybinayo.

Dhibaatooyinka nafsiga ah ee habkan lagu dabiibi karo waxaa ka mid ah isku buuqa, warwarka, walaaca, shakiga, shoogga iyo khalkhalka qofka ku dhaca marka ay masiibo haleesho kaddib, argagax, khalkhalka ku dhaca cuntada, sida qofka oo ay doonista cuntadu ka guurto ama cuntada si caadiga ka badan u cuna iyo dhibaatooyinka dhinaca hurdada. Haddaba su’aashu waxa ay tahay qofku isaga oo habkan ka faa’iidaysanaya naftiisa ma ka dabiibi karaa xaaladahan nafsiga ahi marka ay soo waajahaan.

“Marka uu dareen cadho ama murugo kugu beeraa ku galo, isku day in aad dib u soo ceshato fikiradihii wanaagsanaa ee dareenkaas ka hor aad qabtay” Aaron T. Beck oo baresare oo cilminafsiga dhiga ka ah jaamacadda Pennsylvania ee dalka Maraykanka ayaa sannadihii lixdamaadkii qarnigii hore isaga oo aragtida sare ka duulayo waxa uu aasaasay habka ‘Cognitive Behavioural Therapy (CBT)’.

Marka aad dareento cadho, murugo, diiqad ama dareen kasta oo xun si fudud ayaad isaga dabiibi kartaa. Taariikhda iyo ballanta jadwalka ku qor warqad cad, kaddibna isla jadwalkaas waxa aad ku qortaa dareenka kugu abuurmay markii aad dhibtaas la kulantay, waxa kale oo aad ku ahreer qortaa dhacdada marka horeba kugu keentay dareenkan. Tusaale ahaan haddii ay tahay kelmad aanad jeclaysan oo uu qof kugu yidhi, ama meel aad gashay oo wax aanad ka raalli ahayn aad kala kulantay, ama habdhaqan uu qof kugula macaamilay. Mid kasta oo uu yahay waxa aad warqadda cad ku qortaa dareenka runta ah ee maskaxdaada ku soo dhacay markii uu dareenkani ku galay.

Aaron T. Beck oo tusaalaynaya habka dabiibka xaaladaha nafsiga ah ee ku dhisan la sheekaysiga bukaanka ayaa tusaale u soo qaatay, ‘Gabadh baa suuqa u baxaysa, marka ay cabbaar socoto ayaa ay dareemaysaa dawakhaad kaddibna dhulka ayaa ay ku dhacaysaa. Haddii khabiir ku xeeldheer cilmiga xallilista nafsiga ah ‘Psychoanalysis’ waxa uu arrintan ku fasirayaa in ay xidhiidh la leedahay doonis jinsi oo miyir la’aan ah, waxaa ka mid ah in ay mar is qaawisay tusaale ahaan ama in ay khiyaamo ku kacday. Gabadhan bukaanka ahi waxa ay dareemaysaa in ay tahay qof xun, taas ayaana ugu dambaynta ku keenaysa in ay dunto. Laakiin haddii gabadhan loo geeyo khabiir dhinaca aragtiinka habdhaqanka cilminafsiga ah ‘Behaviorism’ waxa uu isagu markaba xaaladdan ku macnaynayaa in gabadhani markii ay soo gaadhay goobtan ay ku dhacday in xaaladda ku xeeran iyo goobtu ay ula ekaadeen xaalad hore oo mar hore masiibo ka soo martay, taasina ay ku abuurtay xaalad argagax. Laakiin Beck isagu waxa uu ku dooday in sida saxda ahi ay ahayd in la weydiiyo gabadhani waxa ay dareemaysay ilbidhiqsiyadii u dambeeyey ee ay sii miyir beelaysay, ama intii ay dhulka jiiftay. Waxa uu sheegay in ay ku jawaai lahayd in ay ku fikiraysay hal shay oo ah, “In ay suuqa ku lumi doonto, cabsi ah in cidi afduubi doonto, ama in aanay dib gurigeeda ugu noqon kari doonin”

Haddaba si aynu u fahanno fikirka khabiir Beck aynu balk a soo qaadno tusaalahan. Ka soo qaad in macallimad fasal waxbarasho ku jirtaa ay ardaydeedii oo ay natiijadii imtixaanaadkooda uga warramaysay ku tidhi, “Cali darajo hoose ayaa uu keenay maadaddii Kimisteriga, waxa aad ogaataa in markaba Cabdi oo ardayda ka mid ahi hoos isu odhanayo ‘Mar haddii uu Cali darajo hoose helay, waxa ay u dhowdahay in anigu aan darajo sare keenay maadaddaas’ laakiin Muniir  oo dhinaca kale ee fasalka fadhiyaa waxa uu is odhanayaa, ‘In Cali darajo hoose keenay kimisterigii waxa ay ka dhigantahay in aniguna aan darajo hoose keenay’ waxaa laga yaabaa in uu fasalka xaggiisa dambe fadhiyo Axmed oo isagu aan laba socon xaaladahan ama macno aanu u samayn hadalka macalimaddu, laakiin ardayga hareer fadhiya oo Samiir ahi uu isagu hoos isu leeyahay, ‘Macallimaddani waa daalimad’

U fiirso; waxa meesha ka dhacay waa hal dhacdo, waa odhaahda keliya ee macalimaddu ay ku sheegtay in natiijada hal arday ee hal maaddo ay hoosaysay. Iyada oo sidaas ah haddana, Cabdi, Muniir, Axmed iyo Samiir mid kastaa si gaar ah ayaa uu hadalkaas ula falgalay ama uga dareen celiyey. Midkood niyad wanaag ayaa uu ku eegay oo natiijo san ayuu fishay, mid kale niyd xumo ayaa uu ku qiimeeyey oo natiijo aan wanaagsanayn ayaa uu fishay, qaarkood danba kama ay gelin xaaladda.

Aaron T. Beck oo arrintan in fasiraad ka bixinayaa waxa uu sheegay in dhacdadu aanay ahayn sababta keenta dareenka uu qofku kaga jawaabayo, waxa uu sheegayaa in arrintan lagu fasiri karo aragtida falsafadeed ee ‘Stoicism’ oo aasaaskeedu yahay in qofku aanu xakamayn karin waxa ku xeeran, balse uu xakamayn karo dareenkiisa dhacdadaas ku waajahan. Aynu tusaale soo qaadanno si fahamku u soo dhowaado, Hodan iyo Hibo waa laba saaxiib oo ay leedahay gabadha Haldhaa la yidhaahdo. Haldhaa ayaa qabsatay xaflad ay ug udamaashaadayso taariikhda dhalashadeeda, laakiin xafladda kuma ay soo casuumin Hodan iyo Hibo. Labadan hablood marka ay maqleen xafladda ay saaxiibbadood qabsatay iyada oo aan casuumin, markiiba Hodan waxa ay arrintan ku fasirtay in ‘Haldhaa ay illowday’ mashquulka badan ee diyaarinta iyo isku dubaridka xafladda awgeed. Laakiin Hibo waxa ay waxa ay arrintan ku fasirtay xumaan ka timi saaxiibaddeed Haldhaa. “Waxa ay nafteeda u sheegtay in ay u badheedhay in aanay casuumin” u fiirso waa hal dhacdo oo isku mid ah oo laba qof ku ada dhacday. Laakiin dareenka ka dhashay waa uu kala duwanaaday. Hodan waxa uu falkani ku abuuray murugo, waxaana suurtagal ah in ay jarto saaxiibtinimada Haldhaa, dibna aanay ula hadal. Su’aashu waxa ay tahay waa maxay sababta ay Hodan halkaas u gaadhay? Waxaa ka jawaabaya Aaron T. Beck.

Waxa uu sheegay in fikirku uu sidiisaba maskaxda ku soo gaadho si aan habaysnayn, laakiin maskaxdu ay aad u shabbahdo qalabka wax lagu sifeeyo. Marka uu fikirku soo gaadho waxa ay maskaxdu ku bilowdaa sifayn iyo kala saarid, waxa aanay ka soo saartaa laba nooc oo mid kastaa ku xidhan yahay nuxurka aaminsanaanta qofka eek a horreeyey falkan. Tusaale ahaan waxa uu odhanayaa inanta Hodan waxa ay marka horeba hoos nafteeda uga aaminsanayd in ay qof xun tahay, “Qof xun baan ahay” sidaas awgeed dareenka ay maskaxdeedu ka bixinayso dhacdooyinka ku dhacaya ama hab dhaqannada ay dadka kala kulmaysaa waxa ay ku salaysan yihiin aaminsanaantaas hore ee ay qabtay. Waxaa xiise gelinaya keliya dareennada jawaabta u ah dareenkaas ay marka hore iska aaminsanayd ee tusaale ahaan ay ka mid ahayd in aan la jeclayn, sababta aanay Haldhaa xafladda ugu yeedhinna ay taas tahay. Xanuunka nafsiga ahina waa sidaas oo kale uun.

Taas macnaheedu waa in xaaladdan murugada iyo diiqadda ah eek u dhacay Hodan ay ahayd mid dabiici ah oo markan oo kale ka fili karo, laakiin haddii ay marka hore aaminsanaanta ay nafteeda ka qabtaa xoogganaan lahayd, waxa ay keliya noqon lahayd dareen cadho oo aan badnayn ama aan isu rogin murugo. Tusaalahan waxa uu Beck kala soo baxay in mawqifyada murugada keenaya ee qofka ku dhacayaa in aanay sabab u ahayn xaaladaha nafsiga ah eek u dhacaya qofkaas laakiin sababta xaaladda nafsiga ah keenaysaa ay tahay dareenka nafsadeed ee uu qofku iska aaminsan yahay. Xaaladda ku dhacday Hodan sababteedu ma’aha yeedhmo la’aanta saaxiibaddeed balse sababta runta ahi waa dareenka ay marka hore nafteeda ka qabtay ee ahaa in ay tahay qof aan fiicnayn ama la jeclayn.

Beck waxa uu aaminsanyahay in xanuunka nafsiga ahi uu ka dhasho xaaladaha khalkhalka weyn ah eek u yimaadda aaminsanaanta uu qofku naftiisa ka qabo. Tusaale ahaan, ‘In qofku uu u badnaado ku talax tagga’. Waxaa laga yaabaa in aad aragto gabadh ku talaxtagtay, dadaalka ay kula dagaalamayso coodhcoodhka jidhkeeda ee gabowga muujinaya. Dabcan Sababta uu coodhcoodhkaasi ku yimi waa da’deeda oo weynaatay, laakiin sababta dadaalkaas ay u gelayso waxaa dabada ka wado cabsi joogto ah oo ay ka qabto tusaale ahaan in saygeedu uu u arko ruux gaboobay oo iskaga haajiro. Waa aaminsanaan ay nafteeda ka qabto iyo fikirkeeda oo khalkhal ku dhacay awgeed ku abuuray dareen ah in saygeeda laga yaabo in ay afartan sano is qabeen aanu danaynayn shakhsiyaddeeda, balse muuqaalkeedu muhiim u yahay.

Aaron T. Beck buuggiisa ‘Cognitive therapy and emotional disorders’ tusaalaha labaad ee uu u soo qaadanayo dabeecadda ku talaxtaggu waa qofka oo ay ku badan tahay aaminsanaanta masiibada iyo in uu mar kasta fisho waxa ugu xun, taasina ay sababto in uu bukaan u noqdo warwar. Mar kasta oo uu arko dhacdo aan fiicnayn waxa ay markaba maskaxdiisu sawiranaysaa suurtagalnimada in taas oo kale ay isagana ku dhacdo. Waxaa laga yaabaa haddii uu qalniin gelayo in uu markaba sawirto in uu ku dhimanayo, taasina ay keento in uu qalniinkaba ka baqdo ama diido. Mararka qaarkood xaalku waa uu sii xumaadaa oo waxa uu gaadhi karaa tusaale ahaan in uu cisbitaalladaba ka baqo. Xaaladdu intaas waa ay ka sii fogaataa oo waxaa laga yaabaa in uu arko qof imtixaan ku dhacay, kaddibna uu markaba u arko in uu yahay qof faashil ku ah dhinac kasta oo nolosha ah, ama waxa uu ku guuldarraystaa hal heshiis ama qorshe oo uu dejistay, kaddibna waxa uu aaminaa in uu yahay qof noloshiisa aanay guuliba u qornayn abidkeed.

Xaaladaha kale ee nafsiga ah ee uu Aaron T. Beck tusaalaha u soo qaatay waxaa ka mid ah xaaladda ah in qofku uu ‘Iska dhayalsado wax kasta oo togan” tusaale ahaan arday ayaa kaalinta koowaad u gelaya imtixaanka qelin jebinta lodkiisa, kaddibna guushaas sababteeda waxa uu u arkayaa wax iska dhacay ama nasiib ama sabab uun kale. Sidaas awgeed, maadaama oo ay maskaxdiisa ku badantahay malaysiga xumi waxa uu iska aaminayaa in fursaddaas oo kale aanay mar kale ku soo noqon doonin, suurtagalna ay tahay in uu imtixaanka kaa u xiga uu dhici doono. Marka nolosha caadiga ah la eego waa arrin suurtagal ah in qofku isaga oo imtixaankii hore kaalinta koowaad ku jiray in uu kan labaad dhaco, laakiin qofkani waxa uu qabaa xaalad nafsadeed oo u sawiraysa khalkhal noloshiisa oo dhan saameeya. Waxaa dhacda in xaalkiisu uu aakhirka gaadho meel xun oo tusaale ahaan u usiak aamino in noloshiisuba ay dadka ku xeeran culays ku tahay, waana sababta marar badan keenta in dadka qaar ay naftooda haligaan.

Niyadjabka

Niyadjabku waa xaalad nafsadeed oo maskaxda ku abuurta dareen niyad xumo iyo in qofku aanu waxsan malaysan. Waxa uu dareemaa fara madhnaan, ku filnaanshiyo la’aan iyo quus.

Waa xaalad adduunka aad ugu baahsan, oo hay’adda caafimaadka u qaabilsan qaramada midoobey ay dadka qaba ku qiyaasto 300 oo milyan adduunka oo dhan. Dadkaas oo isugu jira haween, dhalinyaro iyo dadwaaweyn. Sida ay hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO caddaysay qiyaas ah boqolkiiba 4.4 oo dadka adduunka ah ayaa qaba xaaladda nafsadeed ama dhimir ee Niyadjabka oo afka ingiriisiga ‘Depression’ lagu yidhaahdo. Warbixin ay WHO soo sartay ayaa muujinaysa in tobankii sano ee u  dhexeeyey 2005 illaa 2015 kii ay qiyaas ah boqolkiiba 18 korodhay tirada dadka qaba xaaladda Niyadjabku.

Qoraaga buugga aynu kor ku xusnay Mudane Beck marka uu sharraxayo xaaladdan waxa uu sheegayaa in ‘Depression’ uu si la mid ah xanuunnada kale ee nafsiga ah isaguna ku yimaaddo aaminsanaan aasaasi ah oo qofka marka hore maskaxdiisa ku jirta. Isaga oo sheegay in xaaladdan sababteedu ay ku qotonto saddex aaminsanaanood oo inta ay maskaxda qofka ku abuurmaan kaddibna wax kasta oo maskaxda gelaya iyagu sii shiila. Saddexdaas xaaladood waa;

Qofka oo sawir taban ka haysta naftiisa

Qofka oo sawir taban ka haysta waayoaragnimada nolosha

Qofka oo sawir taban ka haysta waayoaragnimada nolosha

Aaminsanaanahaas ayaa ka dhasha eex iyo dheelli cad oo ku dhaca qaab fikirka qofka. Waa qof caadi ahaan u fikira qaab si kakan, (Wax kasta aan helo ama waxba yaanan helin). Waxa ay u taagan tahay in uu noqdo ardayga ugu sarreeya fasalka ama in uu noqdo ardayga ugu liita. In uu noqdo qofka dadka oo dhami ku kalsoon yihiin ama qof aan kalsooni ka haysan dadka. Qof dadka oo dhami jecel yihiin ama qof bulshada oo dhami deyrisay.

Waa xaalad nafsadeed oo shay kasta oo dhaca qofka uga dhigaysa wax guud oo laga siman yahay, “Cidi ima jecla” ayaa uu aaminsan yahay, iyada oo keliya sababtu ay tahay in uu la kulmay ama ogaaday hal qof oo aan jeclayn. Taas oo marka ay maskaxdiisa ku soo noqnoqoto ugu dambaynta keenta natiijo ah in uu aamino, “Waxa aan ahay doqon, ama qof liita sidaas awgeed ayaanay cidina ii jeclayn” arrintu halkaas kuma istaagto ee waa ay sii fiddaa, oo wax kasta oo nolosha ka mid ah ay saamayn taban ku yeelataa. Waa sababta qofka niyadjabka qabaa isaga oo keliya dareennadaas aynu soo xusnay ku salaynaya uu u aamino in tusaale ahaan ay xaaskiisu khiyaamayso. Ama gabadhu ay sayga oo keliya guriga habeennimadii ka dib dhacay awgeed ugu aragto in uu gabadh kale la soo joogay. Waxaa dhici karta in qofka oo hadal kooban ku yidhi ama sidii uu rabay ee faahfaahsanayd aan ula hadal awgeed, uu qofkani markaba iska aamino in qofkaasi uu ka diiqadoonayey hadalkiisa ama aanu doonayn la sheekaysigiisa. Waxaa laga yaabaa in xaalku sii xumaado oo tusaale ahaan kaabadda gurigiisa oo uu dillaac ama jabniin ku arkay darteed u aamino in gurigu dumayo, ama xaaladdu siiba socoto oo uu aamino in gurigan dhismihiisa ama iibkiisa lagu khiyaameeyey. Waxaas aynu sheegnay oo dhami waxa ay ka imanayaan ama sees u ah aaminsanaantii ay xaaladdu ku bilowday ee ahayd in qofkani naftiisa ka aamino doqonniimo.

Dhakhaatiirta aaminsan dabiibka nafsiga ah ee la sheekaysiga bukaanku waxa ay qofkan oo kale dabiibkiisa sal uga dhigayaan aaminsanaan ah in afkaartan uu qofku qabo oo dhami ay ka imanayso xanuun gun dheer oo xididkiisu ku aroorsan yahay taariikhda qofkan tusaale ahaan in xaaladda qofkani ay tahay mid soo taxnayd illaa carruurnimadiisii, sidaas awgeed sida keliya ee qofkan lagu daweyn karaa ay tahay in dib loogu noqdo taariikhdaas oo la qodo si loo gaadho xididka ay ka soo bilaabato xaaladda qofkani. Laakiin dhakhaatiirta caadiga ah ee nafsigu marka qofkan oo kale loo geeyo iyagu asal ahaanba muhiim uma arkayaan afkaarta qofka, waxa aanay si toos ah u abbaarayaan in la daweeyo unugyada neerfeed ee qofka. Haddaba Aaron T. Beck isagu labadaas ba waa uu ka baydhayaa, waxa aanu soo saarayaa aragtiin cusub oo sheegaysa in aaminsanaan qaldan oo uu qofku qaatay ay tahay sababta koowaad ee xaaladdan. Tusaale ahaan qofka ayaa imtixaanka ku guuldarraysanaya, kaddib waxa uu maalintaas oo dhan dareemayaa murugo daran, isaga oo moodaya in sababta murugadaasi ay ku timi imtixaanka, sida keliya ee lagu soo saari karo qaladkaasina ay tahay in qofka lala fadhiisto oo dhakhtarka nafsiga ahi la sheekaysto si uu u fahmo kala duwanaanshiyaha sababta uu ka aaminay murugada haysa iyo sababta runta ah ee ay murugadaasi ku timi. Beck waxa uu aaminsanyahay in sida ugu fiicani ay tahay in qofka xaaladdan oo kale qaba laga xalliyo dhibaatooyinka aasaasiga ah ee seeska u ah, oo ah aaminsanaantaas hore. Laakiin aan la isku hawlin in xaalad kasta oo uu qabo la daweeyo, taas beddelkeedana ay waajib tahay in qofka la baro sida uu isagu xaaladaha qaarkood naftiisa uga dabiibi karo.

Dhammaad.