Guddiga Doorashooyinka Oo Soo Bandhigay Jadwal Doorasho Oo Ku Salaysan 10 Bilood Iyo Aragtiyaha Xisbiyada

0
559

Hargeysa (Geeska) – Komiishanka doorashooyinka Qaranka Somaliland ayaa Shalay kulan la yeeshay Guddiyada Farsamo ee Xisbiyada Qaranka kala shaqaynaya hawlaha doorashada, taasi oo ay ka mid tahay in la soo saaro jadwal la isla ogol yahay oo ah Wakhtiga ugu habboon ee doorashada la qabanayo.

Kulanka Shalay ayaa waxa Komiishanku uu Xubnaha Saddexda Xisbi ee WADDANI, UCID iyo KULMIYE ugu soo gudbiyey soo jeedin ah in muddo 10 bilood gudahood ah lagu qabto doorashada isku sidkan ee Goleyaasha Wakiillada iyo Deegaannada, sida ay sheegeen Guddoomiyaha Hay’adda Qoxootiga iyo Barakacayaasha Somaliland Cabdikariin Axmed Maxamed (Xinif) oo ka mid ah Masuuliyiinta KULMIYE iyo Xoghayaha guud ee Xisbiga WADDANI Khadar Xuseen Cabdi.

Laakiin, soo jeedinta Komiishanka oo loo baahan yahay in la rog-rogo isla-markaana aakhirka si wada jir ah Go’aan looga gaadho ayaa intii aanay bislaan waxa dibedda u soo saaray Guddoomiyaha Hay’adda Qoxootiga iyo Barakacayaasha Somaliland Cabdikariin Axmed Maxamed (Xinif) oo ka mid ah KULMIYE.

Cabdikariin Xinif ayaa qoraal uu Shalay ku baahiyey Facebook wuxuu labada Xisbi ee WADDANI iyo UCID ku eedeeyay In mid walba xubnihii matalayey isku qabsadeen Go’aanka ay qaadanayaan, halka uu Xisbigiisana ku sheegay inay soo jeediyeen in doorashada lagu qabto muddo ka yar 10-ka bilood ee Komiishanku soo jeediyey, waxaanu qoraalkiisa ku yidhi “Kulan Maanta (Shalay) ay isugu yimaaddeen komishanka doorashooyinka Qaranka iyo saddexda xisbi qaran oo ka dhacay xarunta komishanka, waxa uu komishanku xisbiyada u soo bandhigay jadwalka doorashooyinka oo ku salaysan 10 bilood. Xisbiga kulmiye waxa uu u soo jeediyey in ay ku soo koobaan lix bilood. Nasiib-darro labada xisbi ee Waddani iyo UCID mid waliba gudihiisa ayuu isku khilaafay muddadaa, mana jirin wax mawqif ah oo labada xisbi mid waliba gudihiisa isla ogolaa.”

Xoghayaha guud ee Xisbiga WADDANI, Khadar Xuseen Cabdi oo daba socda hadalka ka soo yeedhay Mr. Xinif ayaa isaguna Barta uu ku leeyahay Facebook ku baahiyey hadal u qornaa sidan “Kulanka Maanta Xisbiyada Qaranka & Komishinka Doorashooyinku yeesheen, waxa uu daarranaa sidii la isula qaadan lahaa waqtiga doorashadu dhacayso [time-line elections], iyadoo oo doodo la isweydaarsaday, doodaha Xisbiyadu waxa gunnaandkoodu ahaa in muddo ka yar 10 bilood doorashada lagu galo.”

Xoghayaha WADDANI waxa kale oo uu sheegay in aanay Xirfad iyo siyaasad midna ahayn in dood socota dibedda la keeno “Xirfad iyo siyaasad toonna maaha in dood socota dibedda la keeno, waxaa Xisbiyada Qaranka iyo KDQ dib u ballansan yihiin Sabtida si loo soo gunaanado doodda waqtiga doorashada ee la isla qaadan karo, Xisbi ahaan waxa aanu diyaar u nahay in waqtiga ugu suurtagalsan ee doorasho lagu qaban karo aanu soo dhaweyno. Waa inaan arinta wakhtiyaynta doorashada la siyaasadayn lana raadin dariiq cusub oo muran lagu abuuro.”