Surwaal/Sharabaadka Maradiisu Nayloonka Tahay Waxa Ay Keenaan Cabuqa Kaadi Mareenka Iyo Fin Doobka

0
625

rrrrWashington (Geeska)- Dhakhaatiir Maraykan ah ayaa dumarka uga digay in hal mar wax ka badan ay xidhashaan sharabaaddada dhaadheer ee Nayloonka ka samaysan, ka hor inta aanay maydhis gelin, taas oo ay ku sababeeyeen in ay ku keeni karaan dhibaatooyin caafimaad oo ay ugu horreyso caabuqa fangaska, cudurrada kaadi mareenka ku dhaca iyo fin doobka.

Dr. Radhika Ripley oo ku xeeldheer cudurrada haweenka iyo dhalmada kana hawlgasha xarunta caafimaadka ee UCLA oo ku taalla magaalada Los Angles ee dalka Maraykanka ayaa sheegtay in sharabaaddada dhaadheer ee lugaha hoose illaa dhexda qaarka hoose oo dha nqariya inta badanna dumarku isticmaalaan haddii aan loo gasho dhar hoose oo cudbi ah ay sababaan mushkilado caafimaad oo khatar ah.

Warkan oo uu Geeska Afrika Afsoomaali u rogay waxaa sabtidii toddobaadkan baahiyey wargeyska Daily Mail ee ka soo baxa carriga Ingiriiska, waxa aanu intaas ku daray in dunta iyo gaska warshadaysan ee maradani ay kaydsadaan qoyaanka iyo dugsiga labadaba, taasina ay ka dhigto meel ay ku kori karto bakteeriyada iyo dulin-sidayaasha kale, waxaana ka dhasa in ay kordhaan caabuqa, findoobka, iyo caabuqa kaadin mareennada. Waxa ay khatarta maradan isugu jirta sharabaadka iyo surwaalku sii badanaysaa marka ay cidhiidhi jidhka ku tahay waana sida ay u badan tahay.

Dr. Carlos Charles oo ku xeeldheer cudurrada maqaarka ayaa isna sheegay in jidhka oo dhidida marka maradan la gashan yahay ay keeni karto in koritaanka bakteeriyadu uu xawli ku socdo, isla markaana findoobku bato. Dr. Charles waxa uu sheegay in maradani haddii ay nayloon tahayna ay keento in fururuca maqaarka ka soo baxayaa uu sii xumaado, siinabato, gaar ahaan marka uu qofku xasaasiyad ku leeyahay maaddada Latex oo ku jirta maradan.

Ugu dambayntii Dr. Charless waxa uu dumarka kula taliyey in ay gashadaan sharabaaddo cudbi ka samaysan, isla markaana ay joogteeyaan maydhisteeda si ay uga fogaadaan khatarta caafimaad ee ka dhalan karta. Maradan dadka waaweyni dhulkeenna aad ugama isticmaalaan, laakiin waxaa muddooyinkan dambe si aad ah loogu geliyaa hablaha yaryar waxa aanay dumarka qaar ku magacaabaan ‘Hayla-hub’