Suldaanka Guud Oo Ka Hadlay Qorshe Xukuumadu Kaga Hor-istaagay Inuu Ingiriiska U Tago Xuska 18 May

0
506

qaadiroSallaxley (Geeska) – Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, oo ah suldaanka guud ee beelaha Somaliland, ayaa xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo ku eedeeyay inay ka joojisay safar uu ku tagi lahaa Magaalada London ee cariga Ingiriiska oo uu doonayey inuu kaga qayb-galo xuska 18-ka May oo shalay la xusay.

Suldaan Maxamed oo shalay ka hadlayay Munaasibadii 18-ka May ee degmada Sallaxley, ayaa sheegay in qorshe xukuumaddu dhigtay awgeed uu Addis-ababa oo uu muddo arintaasi ugu maqnaa, uu dib uga soo laabtay.

Suldaan Maxamed waxa kale oo uu xukuumadihii kala dambeeyay ee Somaliland ku eedeeyay waxqabad la’aaan, isaga oo arimahaa ka hadlayana waxa uu yidhi “22 guuradan la sheegayana  reerba reer ayuun baa la qaniinsiiyey markaynu runta aynu ku wada hadlayno, ilaa dawladii Cabdiraxmaan Axmed Cali, tii ina Cigaal, tii Daahir Rayaale Kaahin iyo tan maanta joogta wax ay umadda u qabatay ma jirto, wax alaale iyo wax xukuumadda Somaliland u qabatay beeluhu ma jirto, ilaa hadda biyihii-baa dhabarka lagu dhaamiyaa oo biyo malaha, dadna biyihii dadka ka dhaxeeyay ee ayay ka dhargeen, dad weli jirikaankii dulcad iyo Kaam Abokor ayay sidii u sidaan, waxan aad durbaanka u tumaysaan waa xoriyad doonbaad ahaydeen, waa inaad eegtaan wax idinka faa’iido idiin ah, horumar ma samayseen, wax khayr lihi ma idiin soo socdaa, maaha dawladnimadu sidaa, gooni isu taaguna maaha sidaa”

Suldaanku waxa kale oo uu soo qaaday  “Maaha inaynu miiska wada hadalka diidno, waala xisaabtamayaa, maxay guryaheenii ku dumeen waa inaynu iswaydiino, maaha inaynu maanta jibbo uun la kacno waa nasiib daro, calankani wuxuu ku dhamaystirmi karaa wax xukuumaddeenu diidan tahay ama aynu dafirsan tahay marka aynu runtu ku wada hadlayno” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Haddii aan miiska wada hadalka la isugu iman wax aynu gooni u goosan karaynaa jiri mayso, shuruuddaa jiray, qoraalo ayaa jiray, maanta adigu inaad shuruuddahaasi la timaado ayaa lagaa rabbaa oo aad xukunto 53-kaa sanadood cidii ku xukumaysay, maaha inaynu durbaan uun cidlo ka qaraacno, Xamar waanu ka go’nay af maaha, miyeynu ka maarmi karnaa, aynu iska dayno beenta, ganacsatadeenii Xamar-bay tagaysaa, kuwoogii Hargeysa ayay imanayaan, fooqyada maanta Hargeysa ugu dhaadheer waxa leh niman Hawiye ah, waana muwaadiniin mar haddii ay xaasaskoodu guryaheenii inaga kireysteen, markaa waxa miiska wada hadalka loo diidayaa nimcada inyar ayunbaa diidaysa inay cunto”ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray.”

Suldaan Maxamed, oo ka hadlaya qorshe uu sheegay inay xukuumadu kaga soo celisay dalka Ingiriiska oo uu tagayay, wuxuu yidhi “Anigu saddex maalmood ka hor ayaan ka soo noqday Addis-ababa, waxaan haystay casuumada ah inaan London kaga qayb-galo xuska 18-ka May, laakiin xukuumadda ayaa waxa galay shaki, waxayna tidhi walaahi Suldaan Maxamed inta aynu dadka la hadalno inuu isaguna warmo inagu soo ridi doono oo uu odhan doono waxaasi ay sheegayaan waxba kama jiraan, halkiibaa lagu hakiyey fiisahayagii, laakiin mid lagaga hadhayo maaha, waxaanan leeyahay shacabka Somaliland ha taageero shirkii tallo qaran ee Guddoomiyaha UCID ku baaqay, sidaa waxaan u leeyahay daawada ayaa ku jirta.”