Nuxurka Khudbadii Madaxweyne Siilaanyo

0
591

oday11Hargeysa(Geeska)-Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa beesha caalamka ku canaantay in aanay xaq ahayn in ay indhaha ka qarsadaan xaqiiqada qaranka Somaliland, waxaanu Somaliya ugu baaqay in aanay wakhtigan jirin wax niyad ah oo dadka reer Somaliland ay u hayaan midnimo danbe ayna ku hungoobeen midnimadii hore, waxaanu u soo jeediyay Somaliya in aan walaaltinimada la seegin isla markaasna laysu kaashado sida dalalka carabta.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu bulshada reer Somaliland ugu baaqay inay u dhaqaaqaan wax wada qabsi iyo wax soo saarka dalka, waxaanu hanbalyo u diray qaybaha kala duwan ee bulshada reer Somaliland meelkasta oo ay joogaan.

Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, waxa uu khudbadan ka akhriyay wadada halbowlaha ah ee Hargeysa oo ay markaas marayeen shacbiga iyo ciidamada oo u dabaaldagaayey 22-tan guuradii ka soo wareegtay maalinta la soo noqshada madaxbanaanida ee Somaliland, waxaanay khubada madaxweynaha oo dhamaystiran ay ahayd sidan “ Dhamaan Bulshada reer Somaliland waxaan ugu Hambalyeynayaa farxada maalinta Qaranimada JSL ee 18-ka May, Guud ahaan waxaan dadkayga ku bogaadinayaa gudo iyo dibedba dabaal degga sannad guurada 22aad ee aasaaskii Jamhuuriyadda Somaliland,Waxaan Ilaahay uga mahad celinayaa Nabad-gelyada Waddan xor ah, Nabdoon isla markaana Dimuqraadiya,Waa waddan ina deeqa oo inagu fillan,Waa waddan ay dadkiisu gacmahooda ku dhisteen,Waa waddan ay dadkiisu ilaashanayaan,Waa waddan ay Dunidu ixtiraamto.

Walalayaal waddan kasta waxa wax ka dhiga dadkiisa, waxaa horumar gaadhsiisa Ummadiisa, waddan wuxuu taabbo-galaa oo horumar ku talaabsadaa marka dadkiisu meel u wada jeesto, isku duubnaadaan una midoobaan Qaranimada.

Horumarka dalku waa halbowlaha koowaad ee aynu higsanayno, waxaa ogtihiin halka uu dhaqaalaha wadanku marayey waanad ka war-haysaan halka aanu gaadhsiinay, balse wali fari kama qodna, weli waxaanu u faydanahay sidii uu dhaqaalaheenu ugaadhi lahaa meel halkaa ka sii fiican. Waxaanan garwaaaqsanahay baahida jirta iyo heerka ay nolosha bulshadu marayso iyo duruufa kala duwan ee ay ku nool yihiin dadkaygu, waxaan garawsanahay, oo ogahay xilka iyo masuuliyada iga saran, cidina igama jecla inay gaadhaan nolol aad u fiican, waxbarasho, caafimaad, cunto iyo biyo ku filan, waxaanse ka xumahay in dadkaygu maanta dayaceen Xoolihii, Deegankii iyo waliba Beerihii! Sidee baynu ku horumaraynaa hadaynaan ku tacbin dhulkeena? Hadaynaan u sabrin oo u dhididin Dhulkeena? Walaalayaal, dunida maanta waynu isu furanay oo wufuud badan iyo dalxiisayaal kala duwan ayaa maalin walba ina soo booqda, Soomaalidu waxay tidhaa “hugaagu wuu kula marti tagaa”. Waxaanu dib-u-dhis, dib-u-habayn iyo dhismayaal cusub oo bilic leh ku kordhinay xafiisyada wasaaradaha dawlada badankooda. Waxaanu ka bilownay Caasimada wadooyin casri ah, si aynu ula tartano caasimadaha dalalka jaarka ah iyo kuwa dunida, in sha Allaahu goboladana waanu gaadhsiin doonaa. Waxaanu dardar gelinay dhismaha wadooyinka laamiga ah ee magaalooyinka isku xidha. Waxaan idiinku baaqayaa inaad gacan ka gaystaan oo aydaan waxba kala hadhin mashaaricdaas kala duwan ee aynu ku talaabsanay fullintooda.

Beesha caalamka waxaan leeyahay, dadkaygu waxay u tashadeen aayahooda, dalkaygu wuxuu lasoo noqday Madax-banaanidiisi iyo Qaranimadiisii, Somaliland waa xaqiiqo jirta, sax iyo xaq toonana maaha in beesha caalamku iska indho iyo dhago tirto xaqiiqdaa aan hummaaga lahayn. Bulshada Somaliland waxay xaq u leedahay “Self Determination” sida Bulshada Caalamka intiisa kale. Dalkani maaha wax xalay dhashay, wuxuu leeyahay taariikh, waxaa dadkiisii u soo galeen halgan dheer, dedaal-kaas oo ay ku hanti-yeen gobanimadii 1960-kii, gumaystihii dalkooda kaga kiciyey gacmahooda iyagoo Rabi-good la kaashanaya.

Midnimada maanta la hadal hayo, dadkanaa horseed u ahaa iyadoo ay niyad wanaag iyo walaalnimo qalbigooda ka buuxdo. Nasiib daro, maalintii la is raacay shan maalmood dabadeedba Midnimadii waa lagu hungoobay, waxaanay ahayd 5tii July markii uu Yusuf Ismaaciil Samatar Gaandhi Khudbad uu jeediyey daboolka kaga qaaday xaqiiqdii Jirtay in ahayd in is-raacii aanu u dhicin sidii laga filayey Midnimadiina lagu Hungoobay! . Waxay ahayd dhacdo aan la dafiri karin in Dastuurkii laysku raaci lahaa ee Somaliland iyo Somalia ku midoobi lahaayeen dadkii Reer Somaliland ay 90% ugu codeeyeen Maya “NO”, iyagoo Diidmo qayaxan kala hor yimid, balse nasiib daro dhagahaa laga furaystay, taasi waxay dhaxalsiisay inqilaabkii dhalinyaradii Saraakiisha ahaa ee reer Somaliland ay Xilligaas sameeyeen. Kaas oo bannaanka soo dhigay tabashadii iyo dareenkii reer Somaliland. Gilgilashadaasi ismay taagin ee waxaa ku xigay Mudaharaadkii Macalimiinta ee loo yaqaanay “Bakayle-qalad” iyo is-casilaadii Wasiiradii reer Somaliland ee Xilka ka hayey xukuumadii Muqdisho. Waxaanay ahayd Nasiib-daro in aan la tix-galin dareenkaa ee sida imikaba caadada u ah Somalia in dad Suuqa jooga oo aan metelin Bulshada Lagu Buuxsado kuraasta, waxay ahayd quustii ay dadka reer Somaliland israacii kaga talax-gabeen. Muddo yar ka dib, waxaa bilaabmay qalalaasihii iyo afgembigii dawladii digteetarka ahayd, cid dambana talo lama waydiin, waxaana lagu war helay iyadoo dadka la isku xidh-xidhay laguna xasuuqay JAZIIRA, ganacsatadii qoorta laysugu dabay oo la dhigay Burco, Malko Durduuro, Kal-sheekh iyo goobo badan oo aan tiro lagu soo koobi karin.

Waxay ahayd nabar xanuun badan iyo wax naxdin leh, oo aan la ilaawi karin diyaradiihii Hargeysa ka kacayey ee duqaynayey maatadii Hargeysa ay ka baro kiciyeen ilaa intii ay dhaafeyeen xuduudka Ethiopia. Waxaan leeyahay madaxda Bulshada Somalia hindisaha Midnimada anagaa keenay nalama khasbin Shalay annagaa Somalinimada dan moodaynay ee waa nala nacsiiyey, anagaa bilaa shuruud iyo is aamin ku tagnay, waa nalagu kalifay in aan idinka aamin baxno, waanu soo tijaabinay Midnimada Kalsooni dambe naguma hadhin diyaarna uma nihin riyadii beenowday ee 5tii Somaliyeed. Wax kastoo ay nagu kalifto Madaxbanaanida iyo Qaranimada Somaliland waa lama taabtaan Go’aanka bulshaday ku timi, gummaca mujaahidkay ku dhalatay, gargaarka Eebbey ku dhisan tahay. Haddaba walaalayaal midnimo hadhay oo 5 Somaliyeed soo noqon mayso ee yaynaan walaalnimada seegin, Somalida Djibouti waa Dawlad Ilahayna haw Barakeeyo Dawladnimadooda, Soomalida Kenya Dawladooda wax ha la qabsadaan Ilaahayna ha isu barakeeyo, Soomalida Ethopia Dawladooda wax ha la qaybsadaan Illahayna ha isu barakeeyo. Somaalilandna halkeeda Alle ha u barakeeyo, dhammaanteen walaalo iskaashada aan ahaano sida walaalaha carbeed. Waxaynu dhidibada u taagnay qaran dimuqraadi ah, oo ku dhisan nidaamka axsaabta badan. Madax banaanida Garsoorka, Golayaasha sharci dejinta iyo xukuumada kaas oo ku salaysan mabadiida Caalamiga ah ee dhawrista xuquuqda aadamaha, Maamul wanaaga, Horumarka iyo la dagaalanka musuqmaasuqa. Waxaynu dib-u-dhis iyo horumarin ku samaynay maamulka dawladnimo, amniga, difaaca qaranka iyo adeegyada bulshada.

Inaga oo ka bilownay wadama aynu jaarka nahay waxaynu aduunyada kula dhaqanay jaar wanaag, wax wada qabsi iyo in aynaan faro galin ku samayn arrimaha ugaarka ah dalalka kale. Dhammaan talabooyinkaasi waxay ay dhabada u xaadhayaan inaynu ka midho dhalino qadiyada madax banaanida Jamhuuriyadda Somaliland, waxaynu ku talaabsanay inaynu usoo bandhigno beesha caalmka jiritaankeena, heerka aynu gaadhnay iyo sida ay inooga go’aan tahay hanashada madax banaanideenu. Waxaynu ka badheedhnay, in aynaan cidna uga waaban in aynu tagno, kana qayb-galo gole kasta oo lagaga hadlayo arimaha Somaliland, talaabadaasi waxay inoo soo kordhisay:”