Suldaan Saleban Oo Beeniyay In la Ganaaxay Dadkii Watay Mashruuca Naaxinta Xoolaha Ee Qoryaale

0
501

habaarHargeysa(Geeska)-Suldaan Saleebaan Boqor Cismaan ayaa sheegay in deegaanka Qoryaale uu hoostago degmada Sabawanaag, isla markaasna waxa uu qalad ku tilmaamay salaadiin sheegay in mashruucii naaxinta xoolaha ee deegaankaas laga samaynaayay la ganaaxay dadkii maalgalinaayay.

Waxa uu suldaanku sheegay in wada hadal kadib lagu heshiiyay in deegaankaas la wada daaqo, isla markaasna aan laga hadal arimaha marshuuca naaxinta oo uu sheegay inuu sidiisii ku sii soconaayo.

Waxa uu sidan Suldaan Saleebaan u sheegay wargeyska Geeska Afrika,waxaanu isaga oo arimahaas ka hadlaaya uu yidhi“Nimanka Salaadiinta ah sida ay wax u sheegeen may saxnayn,way qaldameen, waxaanay ku qaldameen in deegaanka Qoryaale ay ku sheegeen inuu deegaanka Cadaadlay hoostago, taasina ma saxna oo waxa uu hoos tagaa  degmada Sabawanaag, waxii lagu heshiiyayna nimankaasi si kale ayay u dhigeen oo waa ay ku qaldameen inay  yidhaahdeen dhulkii waxa laga dhigay dhul daaqsimeed iyo in la ganaaxay nimankii mashruucaas keenay shan milyan, labaduba waa qalad oo nimankaas lama ganaaxin lagamana hadal arinkooda, mashruucaasuna waa mid sii soconaaya oo sii jiraaya.Waxa jiray rag deeganka ah oo Hargeysa laga  abaabulay oo mashruucaas la rabay in lagu carqaladeeyo, markii hadda laysku tagayna waxa lagu heshiiyay in dhulka sidii loo wada daaqi jiray loo wada daaqo.Mashruucani waa mid shaqaynaaya oo deegaanku uu u baahan yahay oo aanu ugu baaqayno inay soo dhaweeyaan oo xoolahoodu u baahan yihiin,inay helaan meel lagu naaxiyo oo lagu daryeelo xiliyada abaaruhu ay jiraaan,waana mashruuc deegaankaa faa’ido balaadhan ugu fadhiya oo ay tahay in sidiisaa uu ku sii socdo,maadaama oo uu yahay mid loo baahan yahay tayaynaaya xoolaheena.”