Dharaaro xusuustood. Maxamed Siciid Gees

0
906

geeeeeeesGoodiga ban cawl buu

Faqrigu geed ku leeyahye

Gaajada hu’geedii miyaa

Galabta lay saaray

(Ina cawd bayle)

Margaret Lawrence  oo Sooomaalilaand joogtay kontonmaadyadiii ,ayaa buugii ay ka qortay waaya-aragninmadeedii ,waxay ku magcawday ‘ The Tree of Poverty “ ama Geedkii Faqriga  iyada oo gabaygaa ka soo xigatay . Sidii aan  sheekada ku maqlay ina cawad Bayle waxa uu ahaa qurbojoog, gabayo hore oo u tiriyey waxa uu kaga waramay faqriga iyo gaajada iyo saxariirka haysta soomaalida reer miyiga ah , waxa uu markaasna yidhi , Geel iyo ninkii adhi leh bay gaajo mudataayee , gini kuma qadeeyeen haddan guriga noodh ool eh, gadhka waxan u feedhaa sidii gonarka( Governor )  cadmeed eh, geerida horteed daar cad bay gogoshu ii taal eh.  Markii dalka lagu soo celiyey oo labadii go’ loo xidhay oo suudhkii laga dhigay ayuu tiriyey gabayga sare.   

Raage Ugaas ayaa isna noloshaas ka hadlay oo yidhi “ waxan ahay naf tiix saran iyo tiro sabaeenaade,haddii aan raxmaad taama eebe nagu tiirin’  dadka noloshaas ku nool dawladda cashuur ka rajaynaysa iyana nafteedu maxay tahay . Saw faqri faqri saran ma aha.

Waxa aan shalay tegay shir Bankiga Aduunku  ( World bank )sida uu isku magcaabay ,iyo Wasaaradda Maaliyadda ee Soomaaliland kaga hadlayaan ,miisaaniyada , dhaqaalaha , faqriga iyo shaqa la’aanta dalkan soomaalilaand.  Afkii khawaajayaasha iyo hadal hayskoodii ayaa lagu hadlayey gaal iyo Soomaalilba. Waxa la soo bandhigay  jaantusyo isbarbar dhigayaa , nolosha dadka reer Soomaaliland iyo dalal Afrikada madaw ah oo aan qaarkood  jaar nahay sida Itoobiya iyo Jabuuti, dhinca waxbarashada iyo caafimaadka . Halkaas waxa lagu sheegay in Soomaaliland ay ka nolol hoosayso dhinc kasta dalalkaas oo dhan oo ka faqiirsan tahay . Waxa la sheegay in Soomaliland 1040 dumar ihi ay umul raacaan oo dhintaan 100.000 ee dumar ah, halka tiradaasi dhinaca Itoobiya ay tahay 350, jabuutina 200.Waxa kale oo la sheegay in caruurta ku dhalataa Soomaaliland in 14kiiba uu mid  ka saqiiro intaanu gu’ jirsan.Halka tiraadaasi ay jabuuti tahay 15kiiba mid, Itoobiyana 21kiiba mid. Dhinca waxbarashada waxa la sheegay in carruurta reer Soomaaliland  ee da’doodu u dhexayso 6 ila 13 jir uu labadiiba  miduun  dugsi tago ,ama boqolkiiba kontan aanay dugsi iyo waxbarasho tegin.

 Waxa arrintaas sabab looga dhigay saboolnima ka sokow , mudnaata aan la siin xagga qarashka . Waxa la sheegay dakhliga xukuumadda in kala badh la geliyo arrimaha nabadgelyada . Taas oo keentay in kharshka caafimaadka iyo waxbarashada loogu talagalay uu koobnaaado.

Haddii aan rumaysanao warbixintaas waxa muuqanaysa dib-u-dhac bulshada haysta iyo horomar la-aanta jirta marka loo eego dalalka aan deriska nahay . Waxase guul ah mar haddii la in barbardhigay dalal la ictiraafsan yahay oo la siiyo deeq iyo deynba . Bal fiiri , tobankii sanno ee 2002-ilaa 2012 waxa dalka Itoobiya sanad kasta la siinayey 3.5 billion dollars , Jabuutina waxa la siinayey celcelis ahaan 150 million dollar sanadkiiba. Halka soomaaliland  aan waxba ama wax  faraguudkood ah  loo soo marinayey NGO dilaalaysa oo aan lala ogayn oo  la  yidhaahdo waxba  la siiyey. Waxa kale oo guul ah in  Bankiga adduunku (World Bank) uu daraasaddan ka sameeyo Soomaaliland oo khawaajayaaashu aanay aqoonsanayn.

Waxa meesha ka maqnayd in lagu dheho , waar waa ka warhaynaa saboolnimadayada ee maxaad idinku nagu darsanaysaan,oo haddii kale maxaad noo faadhfaadhaysaan. Waxa kale oo iyana aan la sheegin haddii aan arrimaha nabadgelyada aan kharsh loo hurin side xaalku noqon lahaa . Marbaa jirtay boqolkiiba sagaashan 90% nabadgelyada la gelin jiray , marba loo soo amaahan jiray raashinka ciidanka oo aan wax kale la hayn ,oo ciddina  aanay mushahar qaadan jirin. Ciidamada Amisom waxa hadda ku baxa 1.5 billion doolar , Ciidamada Soomaaliya waxa ku baxay 248 million sanadkii ciddii ma soo qaadin ,khawaajihii hadalka jeedinayey ciddina ma weydiin. Hadda ayaa kuwii khawaaja iska yeelyeelka ahaa la boodayaan warbixintan oo dhaliil uga dhigayaan Soomaalilanad iyo xukumadeeda iyaka oo aan ka war hayn arrimaha ku gedaaman warbixintan.

Dhab ahaan waxa jirta caaglaysi badan xagga ciidamada nabadgelyada oo u baahan in saani looga fekero iyo waxan lagu sheego qaramaynta ciidamada Bariga oo wax laga qaban karo. Waxa kale oo jirta labada sarif ee lacagta doolarka dalka ka jira ee aan deadweynahana wax ugu jirin dawladdana dakhligeedii lagu xado ,taas ayaa u baahan in lagu dhiirado oo mar suuqa xorta ah sarifka jooga  la qaato oo wax lagu cashuuro.