Qadhaadh Ayaa La Dhadhansiiyey Qoys-Kaas: W/Q Ibraahim Qaasim

0
635

ibraahim qaasimWaa magaalo aanad qaadan karin dhibka ka muuqda iyo dubashada kaymaha lagula kacay, qiyaas kale uma baahna oo qalbigaagu wuu diidaayaa nabsiga laga galay, oo cidii sidaas u gashay-ba Soomaali tahay, wax kastaaba waxay noqdeen looma qaateen.

Ilaahay qadarkii dalka oo-dhan ayaa sidan u muuqda hadii laga tagi waayo, xukun, cadaalad iyo isku damqasho ma taal, dar ilaahay waxaa u shaqaynaaya goobaha caafimaadka oo qasab iyo ku muraadsasho layskaga daaweeyo, kii fara guud kood laga qaadana duco loogu daro.

Waxaan jeclaystay in aad ila dareen wadaagtaan arrin uur ku taalo igu reebtay oo xiligaas dhacday oo laga yaabo in qaarkiin ogsiin yihiin.

Qoys ka mida qoysaska magaalada ayuu eebe Siiyay laba hablood oo dhanka maqalka naafo ka ah, Soomaaliduna ku bartilmaameed-sato dhagoolayaal. Hooyadood Rabbi ha u naxariistee waxay ku naf wayday dagaaladii Soomaalidu gamta isugu joogsatay mid ka mida, aabahoodna meel uu jaan iyo cidhib dhigay, nolol iyo geeri mid hada aynu ku sheegi karnaa ma jirto.

Labadaa hablood ee maqalka naafada ka ah waxaa gacanta soo qabtay oo soo barbaariyay islaan ayeeyo u ahayd, oo uu ilaahay shinbir uga dhigay. Gacanta ayey ku haysay ilaa intii ay iskood isku maamulaayeen, balse kama maarmaan Ayeeydood oo waxay u tahay Aabe iyo Hooyo.

Xili xiliyada ka mida ayaa nin aan maskaxda caadi ka ahayn hablihii walaalaha ahaa mid ka mida damcay inuu kufsado, waanay u suurto gashay oo tab uu ku helayba fara xumee.

Kuf-sigeeda markii ay mudo yari ka soo wareegtay waxay la kulantay xaalado badan oo aanay hore ula kulmi jirin, durba cabasho iyo xanuun ayaa lagu bilaabay, islaantii u ayeyda ahayd dhakhtarka ayay ula soo oroday oo xaalkeeda u sheegtay, talo ayaa lagu gaadhay in gabadha kiniin la siiyo si aanay uur u qaadin, balse markuu ilaahay wax kula damco dameeraha ayaa waylo dhala.

Wixii dhacayba way dhaceen, gabadhii miskiinta ahayd sidii ayey uur ku qaaday, dhakhaatiirtiina waxay ku taliyeen mar hadii uur meesha yimi waa in halkiisa lagu ilaaliyaa ilayn qof nool lama dili karee.

Gabadhaasi sidaas ayey ilmo yar ku dhashay. Waxaase la yaab iyo amakaag noqotay markii walaasheedii kale ee maqalka naafada ka ahayd sidoo oo kale loo kufsaday, oo waliba si arxan daran loo kufsaday.

Islaantii soo korisay oo talo aduun foodeeda laysugu keenay ayaa isla dhakhtarkii waagii hore ula timi cabashadeeda, in kastoo ay hada islaantu xoogaa waayo aragnimo ah ka haysato dhanka kiniinka. Dhakhtarkii sidoo kale wuxuu kula taliyey inay kiniinkaas qaadato oo aanay sidii tii hore oo kale dayicin.

Taladii dhakhtarka iyo qadarkii Eebe ayaaba is waafaqay oo gabadhii kale Alle wuu ka badbaadiyey inay uur qaado. Xad-gudubka intaas leeg cid loo qabtay iyo cid xaal ka bixisay may jirin oo aduunba sidan muu ahayn.

Waxaan uga socdaa umadu markay cadaalad iyo sinaan waydo wax kastaaba sidaas oo kale ayey hore iyo gadaal iskaga daba yimaadaan, oo adigoo wax tirsanaayey mar kale gardaro laguugu jawaab celiyaa.

Ibraahim Qaasim

Hargeysa-Somaliland

Qaasin05@hotmail.com