Suldaan Madaxweynaha Ugu Baaqay Inuu Dib Ugu Noqdo Wakaalada Biyaha Ee Hargeysa

0
770

Picture4Hargeysa(Geeska)-Suldaan Aadan Faarax Cumar  ayaa madaxweyne Axmed  Siilaanyo ugu baaqay inuu dib ugu noqdo qaabka ay u shaqayso wakaaladda biyaha Hargeysa.

Waxaanu wakaaladda ku eedeeyay in aanay u hawlgalin sidii dadweynaha Hargeysi ay biyo u heli lahaayeen, isla markaasna taas badalkeeda ay hada abuurayso shakiyo xoogan. Waxa uu sidan Suldaan Aadan ku sheegay war saxaafadeed uu arintan kaga hadlaayay oo uu xalay soo saaray, waxaanu isaga oo dhamays tirana u dhignaa sidan “Mahad oo dhan Alle ayay u sugnaatay. Sidaynu ogsoonahay ama ka warqabno baahiyaha aas-aasigaa ee umadi u baahan tahay waxa ka mida in uu qofku helo biyo Nadiif ah oo ku filan.Waa xaq aas-aasiya oo ay tahay in xukuumaddu iyo kolba cida talada umada u haysaa in ay bulshadeeda ka haqabtirto intii karaankeeda ah.

Sidaas oo ay tahay,waxaan Xukuumadda uu Hogaamiyo Madaxweyne Axmed Maxamed  (Siilaanyo) ku bogaadinayna dedaalada horumarineed ee ay wadaan ee dhinac walba ah. waxaadse moodaa in Wakaalada Biyaha ee Magaalada Hargeysa aanay la jaanqaadeyn qorshaha xukuumadda, waxa Wakaalada Mugdi ka galay cidii ay u adeegaysay ee xilku kasaarnaa. Siyaasada ay ku shaqaynaysaana maaha mid qancisay bulsho waynta ku dhaqan Caasimada ee aan biyaha helin. Wakaaladu may muujin dedaalkii looga baahnaa ee ay tusi lahayd bulsho waynta aan helin biyaha in ay umuqantahay, balse taa badalkeeda waxay tustay dedaalo shaki galiyay bulshowaynta ku dhaqan caasimada ee aan biyaha helin, oo durbaba waxaa soo ifbaxay shakiyo ku waajahan in Biyihii loogu talo galay Bariga iyo Koonfurta Magaalada in ay waraabiyaan in la yidhi waxa lagu xoojinayaa kuwii hore. Taas Micnaheedu waxa weeye, cidii biyo heli jirtayna waa loo siyaadinayaa kuwii aan biyo helijirina xaaladoodaa ha ku sugnaadaan. Taasi maaha mid Bulshadu  aqbali karo.

Hadaba maadaama ay biyuhu yihiin aas-aaskii umadi ay u baahnayd, Umada ku dhaqan Caasimada ee aan biyaha helin kuma sii jiri karto xaaladan oo kale. Dawladu waa in ay dedaalo muuqda oo dadkaas sida ugu dhakhsaha badan biyo loogu raadinayo ay soo bandhigtaa.Qolada Booyadaha lehna midbaan leeyahay, Tabashadiina siyaabo badan oo nabadi ku jirto ayaad usoo bandhigi kartaan, Ergo ayaad dirsan kartaan, Idinkaa gudiiska saari kara oo xukuumadda la hadli kara amaba habkale oo nabdoon ayaad marikartaan, laakiin may ahayn in dadkiina adeegii aad u qaban jirteen aad markaliya ka joojisaan. Rabshad iyo in dadkeenu si fudud u dhintaan diyaar umanihin, tabashadiina hab xirfadaysan  umara, In shaa Allah markaa waa la idiin garaabi.

Ugu danbayntii anagu Salaadiinta hadaanu nahay talo ayaa lanoogu yimaadaa ee fulin ma nihin. Waxaan ugu baaqayaa Xukuumadda uu gadhwadeenka ka yahay Axmed Maxamed (Siilaanyo) in ay muujiyaan dedaalkii biyo loogu heli lahaa dadka ku dhaqan caasimada, Sidoo kale waxaan madaxweynaha kula talin lahaa in uu dib u eegis ku sameeyo qaabka ay u shaqayso Wakaalada biyaha ee Magaalada Hargeysa.”