Safiirka Itoobiya Ee Somaliland Oo Kulan La Yeeshay Jaaliyadda Itoobiya Ee Borama

0
830

Borama(Geeska)-Wakiilka dawladda Itoobiya u fadhiya Somaliland Brigader General Berhe Tesfay ayaa Axadii magaalada Borama kulan kula yeeshay jaaliyadda Itoobiya ee ku nool magaalada Borama ee wadanka Somaliland.

Md. Berhe, ayaa ka qayb galay munaasibadaas oo si weyn loo soo abaabulay, waxaana sidoo kale ka qayb galay maayarka degmada Borama Md. Saleban Xasan Xadi iyo badhasaab xigeenka gobalka Awdal, culimo, madaxdhaqameed iyo dadweyne kale.

Kulankaas waxa lagu falanqeeyay oo lagaga wada hadlay xaaladaha Jaaliyadaha Itoobiya ee Borama ku nool iyo weliba xaaladda wadanka Itoobiya.

Md. Berhe, oo halkaas hadal ka jeediyay ayaa wuxuu u mahadceliyay jaaliyadda Itoobiya ee Borama ku nool iyo siday isu soo abaabuleen, waxaanu uga waramay sida ay isku xidhnaantu muhiim u tahay, isagoo dawladda Somaliland uga mahadceliyay sida ay u ilaaliso jaaliyadaha Itoobiya ee dalka ku nool.

Safiirku, wuxuu aad ugu dheeraaday xidhiidhka ka dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya, oo uu sheegay inuu yahay mid u danaynaya labada shacab, waxaanu si gaar ah u tilmaamay inay Somaliland iyo Itoobiya iska kaashadaan ganacsiga, siyaasadda, amniga iyo arrimaha bulshada, waxaanu sheegay inay dawladiisa ka go’antahay sidii isku xidhnaan iyo isfaham looga wada hirgelin lahaa dhammaan gobalka Geeska Afrika.

Danjire Berhe, wuxuu dadka ka socday jaaliyadda Itoobiya u sheegay inay Itoobiya diyaar u tahay soona dhawaynayso muwaadiniinteeda doonaysa inay dalkeeda dib ugu noqdaan si ay ugu noolaadaan amaba maalgashi ugu sameeyaan. Isagoo ka hadlaya wadanka Itoobiya iyo xaaladiisa wakhtigan wuxuu sheegay in dalkiisu uu si dhaqso ah u horumarayo si loo cidhib tiro faqriga iyo macaluusha, isagoo xusay in horumarka socdaa uu ka muuqdo wadankaas.

Waxa iyaguna halkaas ka hadlay xubno u hadlayay jaaliyadda Itoobiya oo u mahadceliyay xafiiska ay Itoobiya ku leedahay Somaliland iyo wakiilka masuulka ka ah oo ay sheegeen inay la leeyihiin xidhiidh wanaagsan, waxaanay balan qaadeen inay ka shaqayn doonaan nabadgelyada iyo isku duubnimada islamarkaana ay meel uga soo wada jeedsan doonaan kooxaha nabad diidka ah.

Maayarka Degmada Borama, badhasaab xigeenka iyo odayaal kale oo iyaguna halkaas ka hadlay ayaa ka waramay heerka uu marayo xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya.

Dhawaan ayay ahayd markii uu safiirka Itoobiya kulan noocan ah magaalada Hargeysa kula yeeshay jaaliyadda Itoobiya ee Hargeysa degen.