Dufcadii Afraad Oo Shalay Ka Qalinjebisay Machadka CSI Iyo Khudbadihii Masuuliyiinta

0
798

Picture3Hargeysa(Geeska)-Dufcadii afraad ee ka qalinjebisa machadka Tabobarka Shaqaalaha dawlada oo ka kooban 206-qof ayaa xaflad qalijabin ah loogu qabtay hotel Maansoor ee mgaaladda Hargeysa. Ardaydan qalinjabisay oo u badnaa shaqaalaha dawlada ayaa kala ahaa Public Administration,Accounting,Development Studies iyo luuqada Ingiriisida. Xafladan qalijabinta ah waxa ka soo qaybgalay madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Saylici,wasiirka shaqada iyo arimaha bulshada Maxamuud Axmed Bare (Garaad), guddoomiyaha haayada shaqaalaha dawladda Nuux Sheekh Muuse Ducaale, masuuliyinta machadka,masuuliyiin kale iyo marti sharaf. Ardaydan ayaa kuwii ugu sareeyay madaxweyne ku xigeenka Somaliland gudoonsiiyay shahaadooyinkoodii, waxa sida oo kale isla xaflada lagu gudoonsiiyay qaar ka mid ah ardayda bilado. Agaasime ku xigeenka machadka tabobarka shaqaalaha Guuleed Cumar Siciid oo ugu horayntii ardaydaas qalinjabinysay iyo machadkaba faah faahin ka bixinaayay waxa uu yidhi“Waxa halkan ku qalinjabinaaya shaqaalahii ugu badnaa ee dawlada ee mar ka wada qalinjabiya Machadka Tabobarka Shaqaalaha Dawlada, waxa xafladan ku qalinjabinaaya 206 arday oo 171 ka mid ah ay ka qalinjabinayaan darajada degree iyaga oo bartay Public Administration,Accounting,Development Management iyo 33 arday oo muddo sadex sano ah Ingiriisi baranaayay oo Diplom ku qalinjabinaaya.sida aynu wada ognahay machadka tabobarka shaqaalaha dawlada waxa la aasaasay 2005-tii wakhtigaas oo laga dhex bilaabay jaamacada Hargeysa oo uu ku dhex shaqaynaayay mudo sadex sano ah,intaas kadibna uu u soo guuray xarunta cusub ee uu hada ku yaalo, machadku waxa uu soo maray qaybo kala duwan oo hurumarineed, marka aynu eegno sida uu u hurumaraayay maxadkuna waxa aynu odhan karnaa waxa uu ku soconaayay xawli ka sareeya intii loogu talo galay, 2005-tii ilaa 2007-dii machadka wax laga bixin jiray koorsooyin gaagaaban, 2007 ayaana laga bilaabay Diplomadii ugu horaysay oo ay keentay baahi markaas xukuumadda ka dhex jirtay,sanadkii 2010-kii waxa uu machadku bilaabay koorsooyinkiisii ugu horeeyay ee degree ah waana kuwan maanta qalinjabinaaya ardaydii lagu bilaabay,waxaana ka horeeyay qayb kaliyaata oo sanadkan ka baxday oo 45 ahayd.” Agaasimaha Machadka Tabobarka Shaqaalaha Prof. Maxamed Mixile Boqore ayaa ku dhawaaqay qalinjabinta ardaydaas, isla markaasna dardaarano u gudbiyay xukuumadda iyo shaqaalaha qalinjabinaayayba, ayaa waxa hadaladiisii ka mid ahaa “Markii ay ii soo gudbiyeen hurmuudada kuliyadaha Public Administration,Accounting,Development Management iyo luuqadii Ingiriisidu, cel celiska dhibcaha sadexda sanadood ee ay jaamacada dhiganayeen ardaydu,markii aan hubiyay natijadaasu inay sax tahay, waxaad halkan aad ku mutaysateen in laydinku gudoonsiiyo oo madaxweyne ku xigeenku uu idin gudoonsiiyo shahaadadii koobaad ee heerka jaamcada, sida oo kale qaybta Diplomada ah hormuudkoodii marka uu iiso gudbiyay natiijadoodii, marka diiwangaliyaha machadku uu xaqiijiyay, waxaan saxay  oo aan cadaynayaa inaad maanta mutaysateen shahaadadii oo uu idin gudoonsiin doono madaxweyne ku xigeenku.” Agaasime Mixile oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi “Shaqaalahan qalinjibiyay waxaan kula dardaarmayaa inaad isticmaashaan xirfadii iyo aqoontiinii laydin baray oo aad uga faa’idaysaan xafiisyadiina iyo dadweynaha reer Somaliland,madaxda wasaaradaha iyo haayadaha ay shaqaalahani u shaqeeyaan hanoo soo sheegaan haday shaqadoodu xumaato anagaaba is casilaynee,waayo waxaan ku faanaa inuu machadku ka heer sareeyo jaamacadaha, waanay tahay,waayo waxaanu la manhajnahay machadyo waaweyn oo caalamka ah, waxii aanu ku faanaynay waxa muujinaaya qolyahan qalin jabiyay, waanan idin farayaa.waxaanu xukuumadda ka codsanaynaa in shaqaalahaas aanu soo saarnay loo tixgaliyo aqoontooda oo lagu ixtiraamo. Waxa mahada koowaad leh xukuumadeena ku talaabsatay horumarka aynu ka midka nahay, waxa aan u mahadnaqayaa madaxweyne ku xigeenka oo machadka arimihiisa ku dhaw dhaw oo taageera iyo madaxweyne Siilaanyo iyo qof kasta oo ka qaybqaatay horumarka machadkan.” Wasiirka shaqada iyo arimaha bulshada Maxamuud Axmed Bare (Garaad) iyo  guddoomiyaha haayada shaqaalaha Nuux Sheekh Muuse Ducaale ayaa iyaguna dhankooda hanbalyeeya ardaydan, isla amrkaasna dardaarano u soo jeediyay. Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi saylici oo soo xidhay xafladaas qalinjabinta ah isla markaasna ardayda gudoonsiiyay shahaadooyin iyo biladaba waxa hadaladii uu halkaas ka yidhi ka mid ahaa “Waxa dhamaanteen inuu farxad ah inaan ka soo qaybgalno xaflada qalinjabinta Machadka Tabobarka Shaqaalaha Dawlada ee CSI oo ay ka qalinjabinayaan 206 oo u badan waalidiin. Dhalinyaranimadii waxa ina saarnaa xilka ah inaan waxbarano oo kaliya, laakiin arintan maanta waa mid culus in qofka shaqadii uu dawlada u hayayna saaran yahay,masuuliyadii reerkiisuna saaran tahay, hadana uu ku darsaday inuu wax sii barto waa mid aad u culus, aad ayaan idiinku hanbalyaynayaa inta qalinjabisay iyo inta maanta ku jirtaba. Hanbalyadaas kadib waxa laydiin tabobaray inaad hagaajisaan shaqooyinkii aad hayseen, hawl badan ayaana inoo taala oo inuu dalkeenii horumaro ayaynu doonaynaa, maanta waxa idin saaran aqoontaad barateen inaad uga faa’idaysaan dalka iyo dadkaba, anagana ta na saarani waxa weeyaan kolaba itlaaka dhaqaale inta uu inoo saamaxo in qof kastaaba waxii uu bartay ee uu dheer yahay shaqaalaha kale inuu helo ayaanu balan qaadnaynaa.” Madaxweyne ku xigeenka oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi “Hadii ay machadka in badan haayaduhu gacanta ku soo hayeen iyaga oo ku mahadsan inay dhidibada u aaseen machadkan sida haayada UNDP, maanta waa la gaadhay wakhtigii dawladu ay la waregi lahayd arinta intii awoodeeda ah, waxaan rajaynaynaa sanadaha danbe dhaqaalaha ku baxaaya machadkan in dawladu ay qaybteeda soo bixiso, si ugu danbaynta loo gaadho in ay dawladu wada’bixiso,sanadahana inaan kordhino waanu doonaynaa maadaama oo la soo koriyay machadkan.waxa laynooga baahan yahay inaan hadal ka gudubno dhamaanteen  aynu horumarino dalkeena iyo dadkeena.”