Sucuudiga Oo Joojinaya Ereyga Ganacsatadu Isticmaasho Ee Ah “Wixii Aad Iibsataa Celis Ma Laha” Kamaal Axmed Cali

0
1536

 

 

sucuudigaSaudi- Ilo wareedyo ka ag dhow masuuliyiinta ganacsiga iyo tayo-dhowrista ee dalka Sucuudiga ayaa shaaca ka qaaday in hay’adahoodu hadda ku hawlan yihiin soo saarista xeerar khuseeya ilaalinta tayada badeecadaha muwaadiniinta laga iibinayo, iyo in la mamnuuco dhaqannada caqabadda ku ah arrintan oo ay ka mid tahay in la joojiyo hal-kud-dhegga ay ganacsatadu aad u isticmaasho ee ay ku diidayaan in wixii qofku ka iibsado aanay celis lahayn ama xataa mararka qaarkood celis iyo beddelaad midna lahayn. Hal-ku-dheggaas oo ay masuuliyiinta hay’adahani sheegayaan in ay muwaadiniinta wax-iibsataa kala kulmaan khasaare lacageed oo lagu qiimeeyey Malaayiin lacagta Sucuudiga ah.

 

Sida uu ku warramay wargeyska Al-riyadh ee ka soo baxa dalka Sucuudiga, hay’adda Xakamaynta tayada iyo daryeelka macmiilka ayaa dhowr jeer loola tagay cabashooyin iyo xad gudubyo waaweyn oo la xidhiidha dhinaca beddelaadda iyo celinta badeecadaha la iibsado oo ay macaamiishu kala kulmeen suuqyo kala duwan, arrintan oo ay hay’addu ku tilmaamtay mid aan ka jirin suuqyada caalamiga ah ayaa ay sheegtay in ay meel ka dhac ku tahay xuquuqda qofka doonaya in uu iska celiyo ama beddelo badeecad uu iibsaday. Waxa aanay sheegtay in qofku uu xaq u leeyahay in uu soo celiyo alaabta uu iibsaday haddii uu ogaado, in khiyaamo ku jirtay, in ay ceeb lahayd badeecadda laga iibiyey, in sifooyinka iyo wax-qabadka loogu sheegay aanay lahayn iyo in sicirka laga siiyey uu yahay mid ka qaalisan qiimaha meherado kale siinayaan badeecadda nooceeda ah. Waxaana muwaadinka arrimahaasi ku dhacaan u bannaan in uu dacwad ku soo oogo ganacsadaha ka celin waaya ama u beddeli waaya alaabtaas.

Agaasimaha fulinta ee hay’adda tayo-dhowrista dalka Sucuudiga Dr. Naasir Aala-Tuwaym ayaa sheegay in nidaamkan cusubi uu xaddidayo shuruudda, xeerarka iyo xukunnada xaq u siinaya macmiilku in uu celiyo alaab uu iibsaday, waxaana ugu mudan waqtiga uu fursadda celinta haysto oo loo xaddidayo iyo in shardi laga dhigo in badeecadda uu soo celiyey aanay ahayn mid dhibaato ka soo gaadhay isticmaalkiisa iyo intii uu gacanta ku hayey, taas oo haddii ay dhacdo uu ku waayayo xaqii celinta alaabta. Xeerkan waxaa lagu caddaynayaa ciqaabo ku waajibaya dadka nidaamkaa iibka ee cusub ku dhaqmi waaya.

Waxaa dunida oo dhan ka jira cabashooyin dhinaca iibka ah oo ay macaamiishu mar kasta kala kulmaan khasaare ganacsatada oo u qariya tayada ama cilladaha badeecaddooda iyo iyaga oo marar badan wax kaga iibiya qiimo ka sarreeya ka suuqa.