Sucuudiga Oo Dadka Sannadkan Xajka Tagaya Uga Digtay Cudur-Side Dilaa Ah Oo Dalkaa Ka Dillaacay

1
611

 

Riyaad (Geeska/SPA)- Masuuliyiinta boqortooyada Sucuudiga ayaa si adag ugu digay dadka sannadkan xajka tegayaa in ay raacaan nidaamka caafimaad ee ka hortagga ah ee uu dalkaasi ugu talo galay in uu kaga ilaaliyo Cudur-side (Fayras) dilaa ah oo maalmihii ugu dambeeyey lagu arkay saddex ruux oo dalkaas ku dhaqan.

Cudur-sidahan (Fayras) sababa xanuun noociisu dunida ku dhif yahay oo ka mid ah noocyada hargabka laguna magacaabo Corona waxaana durbadiiba u dhintay laba ka mid ah saddexdii ruux ee uu ku dhacay oo u dhashay dalka Sucuudiga, halka uu kii saddexaad oo u dhashay dalka Qatar weli cisbitaalka u yaalla xanuunkaas.

War rasmi ah oo ay soo saartay wasaaradda caafimaadka ee boqortooyada Sucuudiga ayaa lagu caddeeyey sababta ay Xujaajta ugu jeedinayaan digniintani inay qayb ka tahay wasaaradda oo doonaysa in ay ka hoartgo in aanu dalka Sucuudigu dalal kale u waaridin cudurro iyo dadaalka ay dawladdaasi ugu jirto dabagalka iyo xididdo u siibka cudurrada bulshada ku dhex faafa.

Warkan oo lagu baahiyey wakaaladda rasmiga ah ee wararka u qaabilsan dalka Sucuudigu waxa ay aad uga dayrisay waqtiga uu cudurkan dhifta ahi ku soo beegmay oo ay ku sheegtay xilli uu jiro is beddel dhaqso ah oo dhina cimilada ah iyo weliba waqtigii xajka iyo cimrada loo tagayey dhulka barakaysan oo ina haya.

Cudur-sidahan oo caadi ahaan ah mid la daaweyn karo ayaa marar dhif ah qaata wejigan khatarta badan oo uu weerar halis ah ku qaado hab-dhiska neefta iyo kelyaha qofka, taas oo keenta dhimasho, gaar ahaan dadka da’da ah iyo dadka qaba cudurrada ku dhaca wadnaha iyo saableyda ama uu hooseeyo hab-dhiskooda difaacu.

Dalka Sucuudigu si uu dadka martida u ah uga ilaaliyo cudurkan waxa uu Xujaajta sannadkan iyo dadka cimrada u tagayaba u diyaariyey tallaal iyo talooyin caafimaad oo ay ugu horrayso in uu qofku ilaaliyo nadaafaddiisa shakhsiga ah, in uu labada gacmood si fiican u maydho, in meelaha saxmadda ah uu afka ku xidho marada caafimaadka ee sanka iyo afka lagu daboolo (Mask) isla markaana uu maradaa si joogto ah u beddelo oo aanay muddo ku raagin.

Cudurkan oo sannadkii 2003-da ka dillaacay meelo ka mid ah qaaradda Asia ayaa la sheegay in ay u dhinteen xilligaa dad ka badan 800 oo ruux, illaa hadda dawladda Sucuudiga iyo hay’adda caafimaadka adduunku waxa ay sheegayaan in aan weli la aqoonsan halka uu Fayraskani hadda ka yimi iyo sababtiisa.

Comments are closed.