Gudoomiye Cusub Oo Loo Magacaabay Degmada Farawayne

0
849

 

Hargeysa(Geeska)-Wasiirka arrimaha gudaha Md. Maxamed Nuur Caraale (Duur) ayaa guddoomiye cusub u magacaabay degmada Faraweyne, waxaanu magacabistiisa ku soo saaray xeer wasiir.

Md. Duur, qoraal uu 22 September soo saaray wuxuu Mr. Faysal Maxamed Jaamac  u magacaabay inuu noqdo guddoomiyaha degmada Faraweyne, waxaanu xilkii ka qaaday guddoomiyihii hore ee degmadaas.

Md. Duur, wuxuu sheegay inay magacaabista masuulkan keentay baahi loo qabo, waxaanu amray guddoomiyaha gobalka Maroodi jeex inuu sida ugu dhaqsaha badan  xilka ugu kala wareejiyo  labada masuul, waxaana qoraalka nuqul ogaysiin ah uu ka siiyay Madaxweynaha iyo masuuliyiin kale.