Muj. Ibrahim Dhegaweyne Oo Ururada Siyaasadda Uga Digay Boob Uu Sheegay Inay Xisbiga KULMIYE Iyo Xukuumadu La Maaganyihiin Codadka Doorashada

0
506

 

dhagaoHargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha urur siyaasadeedkii hadhay ee UDHIS Md. Ibrahim Cabdillaahi Xuseen (Dhegaweyne), ayaa ururada siyaasadda uga digay boob uu sheegay inay xukumadda iyo xisbiga KULMIYE la maaganyihiin codadka doorashada goleyaasha deegaanka.

 

 

Md. Dhegaweyne, oo shalay hadal ka jeediyay xaflad uu urur siyaasadeedka Xaqsoor u qabtay murashaxnimada Dr. Saleban Daahir Dogox, ayaa wuxuu sheegay inay xukuumadu xeerar iyo shuruuc u samaysatay boobkaas, “ Qofku hadduu marka hore garan waayo waaryaad waxan ku aaminaysaa( Codka ), barito calaacal iyo is ciilkaanbi iyo waxbaa la boobay iyo waxbaa la gurtay ku jiri mayno, maantay ku hortaala. Waxaanan leeyahay cadaalad-daro badanina waa idinka horaysaa, Kulmiye waad ogtahiin sida uu wax u kala saarayay iyo maxkamadiisii Buur xakamana waa uu wataa, malaa idinku aad u garan maysaane, cadaalad daror halkay ka bilaabmataa waa tuugo, codkiinay boobayaan wax kale iska dhaafo.” Ayuu yidhi Dhegaweyne, waxaanu intaas raaciyay inuu xisbiga UDUB ka soo baxay waajibaadkii ka saarnaa saddex doorasho,  “Udub baynu sheegaynaa, Udub taariikhdeedii way gudatay been yaynaan isku sheegin, waxaan leeyahay doorasho xaq ah oo cadaalad ah ayay idiin qabteen. Saddexdii gole waa ay ka dhaceen oo sharciga ay ansixiyeen  ma soconaayo, mudadii xaqa ay u  lahaayeen ee ayn u siinayna waa ay dhaafeen, sharci darada ay idiin samaysteena waa ay badantahay waar ka digtoonaada oo ka faajignaada, oo iska ilaaliya, laba boqol oo sharci oo tuug ah oo midina aanu xaq idinku ahayn ayay idiin samaysteen.”

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi , “Waydin arki doontaan is xanbaarka soo baxa iyo waxa laydiinku talo galay,Waxana leeyahay codkiina haloo soo jeedo oo hala ilaashado.”